Hordhac FA Cup: Man City v Wigan – Sky Blues Oo Raadineysa Inay Wigan Ka Aarsato Guuldaradii Finalkii FA Cup.

0
Sunday March 09, 2014 - 09:14:34 in Sports by
  • Visits: 1862
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hordhac FA Cup: Man City v Wigan – Sky Blues Oo Raadineysa Inay Wigan Ka Aarsato Guuldaradii Finalkii FA Cup.

    Kulanka: Manchester City v Wigan Athletic

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kulanka: Manchester City v Wigan Athletic

Garoonka: Etihad Stadium

Waqtiga: 7:05pm Saacada Geeska Afrika

Manchester City ayaa raadin doonta inay ka aarsato Wigan guuldaradii finalka FA Cup ee xilli ciyaareedkii hore marka ay labada kooxood maanta ku kulmaan wareega 8da.

Manchester City ayaa wajaheysa Barcelona koobka Champions League seddex maalmood ka dib ciyaartaan laakiin tababare Manuel Pellegrini ayaa qirtay in kooxdiisa ay diirada saari doonto inay ka fogaadaan natiijo la mid ah markii ugu danbeysay ee ay Wigan ku wajaheen koobkaan markaasoo guuldarro 1-0 ay ka soo gaartay finalkii 2013.

City ayaa xilli ciyaareedkan sanduuqeeda koobabka gashatay koobka Capital One Cup, waxaana ay doonayaan inay ka talaabsadaan kooxda Wigan ee tababare Uwe Rosler si ay u gaaraan semi-finalka FA Cup.

Tababaraha Jarmalka Uwe Rosler ayaana ku soo laabanaya Etihad Stadium 20 sanno ka dib isagoo halkaas ciyaaryahan ka ahaa 1990meeyadii markaasoo uu u ciyaaray afar xilli ciyaareed isagoo u dhaliyay 50 gool, waxaana uu ahaa xiddiga ay jamaahiirta City jeclaayeen.

LINE-UPKA MACQUULKA AH:

Manchester City: Pantilimon; Zabaleta, Kompany, Demichellis, Kolarov; Garcia, Toure; Milner, Silva, Nasri; Aguero.

Wigan Athletic: Al Habsi; Boyce, Barnett, Ramis, Beausejour; Gomez, McArthur, McCann; McClean, Maynard, McManaman

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip