Cudurka Istorooga Maxaa Keena Ama Sababa ?‏

0
Saturday March 15, 2014 - 13:58:29 in Wararka by Web Admin
  • Visits: 4844
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Cudurka Istorooga Maxaa Keena Ama Sababa ?‏

    Cudurka Istorooga ( Stroke ) Istoroogu waa natiijada ka timaada waxyeello ku dhacday maskaxda, taasoo ka timi dhiigbax dhexdeeda ka dhacay ama dhiig la'aan daran oo ku dhacday qayb ka tirsan maskaxda, halkaana waxaa si gaaban ama si jooogto ah

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Cudurka Istorooga ( Stroke ) Istoroogu waa natiijada ka timaada waxyeello ku dhacday maskaxda, taasoo ka timi dhiigbax dhexdeeda ka dhacay ama dhiig la'aan daran oo ku dhacday qayb ka tirsan maskaxda, halkaana waxaa si gaaban ama si jooogto ah u joogsatada shaqadii ay qaybtaasi qaban jirtay. Istoroogu waa dhacdo dhakhso u timaada oo, si muddo gaaban ah ama joogto ah, qas u galisa habka maskaxdu u shaqeyso.
Faaliggu waxay ku kala duwanaan karaan darnaanta taasoo noqon karta tamar-dari muruq oo jirta muddo gaaban ilaa dhibaato sii daran oo keeni karta geeri.Istoroogu waa sababta saddexaad ee ugu tirada badan sababaha geerida keena gudaha wadamada horumaray. Waxay badanaa ku dhacaan dadka da’da weyn laakiin hal nooc (subarachnoid haemorrhage) ayaa ku dhaca dadka da’da yar. Dhacdooyinka faaliggu waa 1 qof shantii boqol (500) ee qof. Waxaa jira laba nooc guud oo ah faalig:

· Dhiig-bax maskaxda ah (cerebral haemorrhage): oo ah dhiig-bax ah gudaha ama agagaarka maskaxda.

· Xinjir-sameysan maskaxda ah (cerebral thrombosis): oo ah marka ay xididada dhiigga ee maskaxdu ay gufeysmaan, taasoo badanaa ka timaada xinjir dhiig.

 Dhiig-baxa maskaxda ah ayaa badanaa labada sii culus waana ka keena geeri badan oo aan la filaynin. Faaligga waxaa badanaa ogeysiis u ah nooc ah weeraro muddo gaaban oo ah dhiig-yaraan ku dhacday xubin jidh (transient ischaemic attacks) (TIAs), kuwaasoo loo yaqaano `faaligyo yaryar’. Kuwaa waa inaan marna la iska iloobin.

Calaamadaha

Calaamadda ugu horeysa ee dhiig-bax maskaxeed (cerebral haemorrhage) caadi ahaan waxaa weeye madax-xanuun degdeg ah oo daran. Waxaa kaa si dhakhso ah ugu xiga qayb jidhka ah oo hawlgab noqota sida qalal ku dhaca hal dhinac oo jidhka ah, hal il oo araggu ka lumo, indhaha oo dhinac u rogma oon la dhaqaajin karin iyo marmarka qaarkood suuxid u eeg ta qalalka. Calaamadaha kale waxaa ka mid ah:

tamar-dari ku dhacda hal dhinac oo jidhka ah, dhibaatooyin hadalka ah (asphasia), faham la’aan, aragga oo muddo gaaban luma, dhaqaaqa oo waxyeeleysan (hemiplegia). dawakh (vertigo), lallabo, matag, madax-xanuun, maqalka oo luma, xusuusta oo lunta, shakhsiyadda iyo caqliga qofka oo si tartiib ah u beddelma, liqidda oo dhib ah, dawakhsanaan, miyirka oo luma, iyo suuxdin qallal.

Badanaa miyirku waxa uu lumaa goor hore marka dhiig-baxu yahay mid weyn waxaana laga yaabaa inaanu dib u soo noqon. In ka badan kala badh dadka sidaa loo qabto waxay ku dhintaan gudaha dhawr saacadood ama maalmood. Dadka uu miyirku ku soo noqdo badanaa waxay yeeshaan xoogaa ah qalal, kaasoo noqon kara mid daran.

Dhiig-baxa intaa ka yar (oo caadi ahaan ah mid ka yimaada xannibanka halbowle maskaxeed (cerebral thromboses) waxa uu maskaxda u keenaa dhaawac intaa ka yar waxaana laga yaabaa inaanay dhicin miyir la’aan, ee kaliya la arko calaamadaha dhaawaca gaadhay habka dareemeyaasha sida qalal ama dhaqdhaqaaq waxyeeloobay. Kaasi waxa uu inta badan u daran yahay isla ka dib marka uu dhaco faaliggu laakiin waa laga soo ladnaa marka cadka maskaxda ee bararay ee ku yaalla agagaarka barta dhaawacu yaraado.

Bararku waxa uu muddo gaaban qas galiya hawlaha dareemeyaasha, marka uu bararku sii yaraadana hawsha dareemuhu way soo noqotaa. Waxaa kale oo dhaca ka-ladnaan, ilaa xad ah, iyadoo sababtu tahay dhiigga baxsaday oo dib loo nuugay.

Marka ka-ladnaantu bilaabanto, waxaa jira soo-hagaag gaabinaya laakiin badanaa ah mid roon, haddii aan dhiig-bax kale dhicinna waxaa laga yaabaa in natiijada ugu dambeysaa ay noqoto mid fiican. Hase yeeshee, waxaa laga yaabaa inay jiri doonto xoogaa ah naafo joogto ah.

Sababaha Keena 

Sababta ugu weyn ee keenta Istorooga waa cudurka halbowleyaasha, gaar ahaan gufeysanka halbowleyaasha (atherosclerosis) (lakabyo dufan ah oo ku sameysma gidaarka xidid dhiig). Faaligga intiisa badan waxaa sababa halbowle soo yaraadaa, xinjir dhiig (thrombosis), ama dhaawac jidheed oo gaadha qayb maskaxda ah iyadoo sababtu tahay dhiig-bax gudaha ama dibadda ah.

Dhiig-baxa ah gudaha maskaxdu waxa uu caadi ahaan ka yimaadaa dilaac ku dhaca halbowle yar kaasoo ah mid dhaawacmay oo uu dafiiciyay gufeysan (atherosclerosis),ka dibna waxa uu la dilaacaa cadaadiska dhiigga ee sareeya. Cadaadiska dhiigga ee sareeya ama dhiig-karku waxa uu keeni karaa gufeysan halbowle (atherosclerosis) waana sababta ugu weyn ee keenta faaligga.

Dhiig-baxu waxa uu ka dhici karaa meel kasta oo ah maskaxda, calaamaduhunu waxay hadba ku xidhan yihiin meesha uu ka dhacay. Saameyntu ama waxyeeladu waxay aad uga muuqataa qaybaha maskaxda ee shaqo ku leh dhaqaaqa, dareenka, hadalka iyo aragga, oo ku yaalla meelo isku dhaw.

Dhiig-bax ka dhaca qaybta hoose ee maskaxda (jiridda maskaxda) aad buu khatar u yahay sababta oo ah waxa uu saameeyaa hawlaha lagama-maarmaan u ah jidhka sida neefsashada iyo garaaca wadnaha. Bararo yaryar oo kuuskuus ah (aneurysms) oo ku sameysama halbowleyaasha ka hooseeya maskaxda ayaa sabab u noqda faalig ku dhaca dadka da’da yar.

Gureysan xidid maskaxeed (cerebral thrombosis), ama gufeysan yar (minor embolism) (oo ah marka qayb yar oo ah dhiig ama dufan uu gufeeyo xidid dhiig) waxa uu keeni karaa saameyn ama waxyeellooyin u eeg kuwa uu keeno dhiig-baxa maskaxdu laakiin caadi ahaan wuu ka waxyeelo yar yahay, ka-ladnaantiisu way ka suurogal fiican tahay.

Istoroogu ka yimaada gufeys xidid dhiig (thrombosis) ama gufeys yar oo soo noqnoqday ayaa ku dhici kara dad leh gufeysan (atherosclerosis) halbowle qoorta ah ama laamihiisa, ama dadka leh albaabo wadne (valves) oo cudur qaba cudur wadne kuwaasoo ay ku sameysmeen xinjiro dhiig oo yaryar, ka dibna inta ay go’aan dhiiggu uu u qaado xagga sare iyo maskaxda.

Cillad-sheegid 

Cillad-sheegidda waxaa la sameeyaa iyadoo la isticmaalayo calaamadaha iyo tilmaamaha la yaqaano. Caadi ahaan meesha maskaxda dhaawac ka gaadhay waxaa lagu garan karaa saameynta jidhka soo gaadhay. Waxaa kale oo gargaar yeelan kara sawirro maskaxda ah xaaladaha qaarkood Daaweynta Ka dib faalig, waxaa xoogga la saaraa in qofka dib loogu soo celiyo nolol caadi ah intii suurogal ah (dhaqan-celin).

Qofka si joogto ah iskugu daya inuu socda ka dib faalig yar ayaa u badan in dhaqdhaqaaqi u soo noqdo marka la barbardhigo qofka isagu iska jiifa sariirta. Qaybo cisbitaal oo u gaar ah faaligga (waa qaybo cisbitaal oo loogu talogalay daryeelka iyo dhaqan-celinta dadka faaliggu ku dhacay) ayaa laga arkay inay si weyn u hagaajiyaan ladnaanta, sidoo kale waxa ah gargaarka dhaqan-celinta ee laga helo beesha.

Dhib-korodh

Waxaa dhib-korodhku gaadhi kartaa tiro badan oo ah hawlaha maskaxda waxaan ka mid noqon kara:

qalal leh darnaan kala duwan, oo caadi ahaan saameeya hal dhinac oo jidhka ah, dareenka oo luma halkaana aad moodid in qaybtaasi aanay qofka ku oolin, aragga oo luma, dhibaatooyin hadal oo ah fahmidda, hadlidda ama labadaba (aphasia), xusuus lumid, tirinta oo aan la awoodin, awoodda ashyaada oo lagu garto dareen oo lunta, kaadi ama saxaro hejin la’aan, isbeddelo ku dhaca shakhsiyadda qofka, iyo, liqidda oo dhib ah.

Nasiib-darro, xaaladihii halista keenayay awgood oo wali meesha jooga ka dib faaligga ugu horeeya, waxaa marwalba suurogal ah faalig kale oo dhaca oo sii biiriya naafada. Qof kasta oo noolaaday ka dib faalig waa inuu si xoog ah u ogaado sababaha halista keena waana inuu sameeyo wax kasta oo suurogal ah si uu u yareeyo halista.

Ka-hortagga Cudurka

Habka ugu fiican ee lagu yareyn karo halista Istoroogu waa adiga oo yeesha hab nololeed caafimaad leh, oo leh cunto fiican, miisaan xakameyn, jimicsi joogto ah, iyo cadaadiska dhiigga oo si joogta ah loo cabbiro.

Waxaa muhiim ah inaadan sigaar cabbin. Sigaar-cabka waxaa ku sii badan halbowle gufeysanka (atherosclerosis) marka la barbardhigo sigaar-ma-cabbeyaasha. Waxaa taa lagu muujiyay baadhitaano geeri ka dib oo badan. Sigaar-cabbistu waxay kordhisa garaaca wadnaha waxaana ay sare u qaadaa cadaadiska dhiigga, labadaa oo ah sababo lala xidhiidhiyay halbowle gufeysanka (atherosclerosis).

Cadaadiska dhiigga ee sarreeya waxa uu ka mid yahay kuwa ugu waaweyn sababaha faaligga. Sigaar-cabbistu waxay kordhisaa isku-dhagdhaga qurubyada unugyada qaarkood ee ku jira dhiigga, kuwaasoo la yidhaahdo balaataletyo (platelets). Waxay kuwaasi lagama-maarmaan u yihiin xinjirowga, waxaana dhacaysa in isku-dhagdhagga kordhay uu si hubaal ah u kordhinayo halista xinjir ku-sameysanta halbowle wadne (Thrombosis).

Neefta kaarboon hal oksaydh (carbon monoxide) ee aad la nuugtid qiiqa sigaarka waxay si weyn u yareysaa awoodda uu dhiiggu ku qaadi karo oksijiinta loo wado jidhka dhamaantii. Dadka halis sare u ah xinjiro dhiig oo sameysma waxaa lagula talinayaa inay qaataan daawooyinka sida asbiriin ama warfarin oo yareeya suurogalka in taasi dhacdo halkaana waxay ku yareeyaan halista faaligga.

Dadka uu u dhaco dhafoor-xanuun (migraine) waxay halis dheeraad ah u yihiin Istoroogu. Dhafoor-xanuunku (migraine) waxa uu badanaa ku sii daran yahay dumarka, waxaana lala xidhiidhiyay heerarka isbeddelaya ee hormoonka la yidhaahdo estaroojen (oestrogen).

Haddii aad leedahay dhafoor-xanuun daran oo leh calaamado dhib maskaxeed (neurological) (dhafoor-xanuunka caanka ah), qaadasha kiniinka lidka uurka ee isku-darka ah (combined contraceptive pill) waxa uu dhafoor-xanuunka (migraine) ka dhigi karaa mid sii daran waxaana uu kordhin karaa halista faaligga.

Calaamadaha dhib maskaxeed (neurological) waxaa ka mid ah dhibaatooyin ah xagga hadalka iyo aragga, iyo kabuubyo ama jidhidhico ku dhacday adin ama hal dhinac oo ah jidhka. Haddii aad leedahay mid ka mid ah calaamadahaa, waa inaad ka fiirsatid inaad u beddelatid kiniin ah kaliya `progesterone’.

Cudurka Istoroogu waa cudur halis ah dhawaanahaanne ku soo batay wadankeenna, waana cudur laga hortagi karo

w.d qoraa sare dr.ali omar abati binfaghi

email dr.abatialfaghi@hotmail.com
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip