Shir looga hadlayo tacadiyada askarta AMISOM oo ka furmay K/Afrika (Qodobo taabanaya xadka AU)

0
Thursday October 09, 2014 - 17:38:54 in Wararka by
  • Visits: 632
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shir looga hadlayo tacadiyada askarta AMISOM oo ka furmay K/Afrika (Qodobo taabanaya xadka AU)

    Madaxda ka soo qeyb gashay shirkaasi waxaa ka mid ah Wakiilka Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Amb. Maman Sambo Sidikou oo dhowaan loo magacaabay xilkaasi, saraakiil ka socota ciidamada AMISOM.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxda ka soo qeyb gashay shirkaasi waxaa ka mid ah Wakiilka Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Amb. Maman Sambo Sidikou oo dhowaan loo magacaabay xilkaasi, saraakiil ka socota ciidamada AMISOM.
Magaalada Johannesburg ee wadanka K/Afrika waxaa ka furmay shir heerkiisu hooseeyo oo looga hadlaayo kufsi lagu eedeeyay askarta Midowga Afrika ee AMISOM oo Soomaaliya u joogta howlgalka nabad ilaalinta ah.

Shirkaasi oo soconaya muddo saddex maalmood ah ayaa ajandayaasha looga hadlayo waxaa ka mid ah sidii loo sameyn lahaa guddi baaritaano ku sameeya ciidamada AMISOM, kaasi oo ka koobnaan doona xubno ka tirsan dalalka Afrika.

Waxaa kale oo looga hadlayaa qorsheyaal ku saabsan sidii looga hortegi lahaa in askarta ciidamada AMISOM ay tacadiyo u geystaan haweenka iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed, inay ilaaliyaan isla markaana difaacaan dadka rayidka ah.

Shirka ka furmay magaalada Johannesburg ee dalka K/Afrika oo ay soo qabanqaabisay hay'ad lagu magacaabo ACCORD lagana leeyahay dalkaasi ayaa waxaa sidoo kale looga hadlayaa in ciidamada AMISOM eedeymaha loo jeediyay haddii caddeyn loo helo sharciga la soo taagayo cutub kasta oo dembigaas ka dambeeyay.

Madaxa ururka Midowga Afrika ee arrimaha Soomaaliya Amb. Maman Sambo Sidikou oo ka hadlay furitaanka shirkaasi ayaa sheegay in arrinta ku saabsan kufsiga lagu eedeeyay ciidamada AMISOM inay u geysteen haween Soomaali ah si weyn uga walaacsan yahay Midowga Afrika, wuxuuna hoosta ka xariiqay in sharciga Midowga Afrika uga dhigan tacadiga dadka rayidka ah aanu ogolaaneynin kufsi iyo in lagu xadgudbo rayidka.

"Midowga Afrika wuxuu wadaa sidii loo ogaan xaqiiqda kufsiga ciidamada AMISOM" ayuu yiri Amb. Sidikou oo sheegay in madaxda ciidamada AMISOM looga fadhiyo inay arrintaas maareeyaan isla markaana kala shaqeeyaan guddiga eedeymahaasi baaraya.
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip