Arsenal iyo Manches United oo caawa ciyaar xiiso badan dhex mareysa

0
Saturday November 22, 2014 - 13:01:15 in Sports by
  • Visits: 1107
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Arsenal iyo Manches United oo caawa ciyaar xiiso badan dhex mareysa

    Kulan xiiso badan oo la wada sugaayo ayaa caawa fiidkii ka dhici doona garoonka kooxda Arsenal Emarates iydoo ku soo dhaweyn doonto kooxda ay sida weyn u xafiiltamaan ee Manchester United, Kulankaan ayaa ah mid ay indhaha caalamka wada haayaan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kulan xiiso badan oo la wada sugaayo ayaa caawa fiidkii ka dhici doona garoonka kooxda Arsenal Emarates iydoo ku soo dhaweyn doonto kooxda ay sida weyn u xafiiltamaan ee Manchester United, Kulankaan ayaa ah mid ay indhaha caalamka wada haayaan.
Xiisaha kulanka ayaa keenaayo in laacibki hore ee Man United Welbeck ayaa ka hor imaan doono kooxdiisi hore isagoo markaan u cayaaraaya kooxda Arsenal wana mida kaliya ee la wada eegaayo.


Arsenal vs Man United


Garoonka: Emirates Stadium

Garsoore: Mike Dean

Saacadda: 8:30 Fiidnimo (Xiliga Geeska Afrika)


 
MAXAA CUSUB

Labada kooxood waa laba kooxood oo ay saameyn ku yeesheen dhaawacyo, balse Arsenal ayaa dhigeeda United ka fiican, waxana kaliya ka maqan Debuchy, Ozil iyo Ospina iyo sidoo kale Koscielny oo aan la ogeyn waqtiga uu soo labanaayo, sidoo kale Wenger ayey la yaab ku noqotay markii loo sheegay in Arteta iyo Giroud ay diyaar u yahiin kulanka Man United, sidoo kalana Danny Welbeck oo ay dhibaato yar soo gaartay kulankii Scotland ayaa taam ah.

Dhanka kale United ayaa mareysa waqtigii ugu xumaa kadib markii kulamadii qaranka ay ku weysay xidigo muhiim u ah Daley Blind, Carrick, Shaw, De Gea iyo Di Maria ayeyna waxyeelo soo gaartay, balse Blind kaliya ayaa la xaqiijiyay inuu seegi doono kulankaas halka inta kale ay diyaar u yahiin kulanka Arsenal. United horay waxaa kaga maqnaa: Lingard, Rojo, Young, Rafael, Jones, Evans iyo Falcao kuwaas oo la ogaa iney seegayaan kulankaan goor hore.

MA OGTAHAY:

Juan Mata ayaa dhaliyay 4-goal, labana abuuray, shantii kulan oo uu kusoo bilowday isagoo ka hor jeeda Arsenal dhamaan tartamada oo dhan.

Wayne Rooney ayaa jabin doona rikoor u yaalay Robie Fowler kaas oo ah haatan xidiga goolasha ugu badan ka dhaliyay Arsenal, kaliya hal gool oo uu dhaliyo Rooney ayaa ka dhigeysa inuu la midoobo Fowler.
Kaliya Burnley oo laga dhaliyay 8-gool oo madax ah ayaa ka badan goolasha madaxa ah ee laga dhaliyay kooxaha EPL-ka madama arsenal laga dhaliyay 6-gool oo madax ah.

Alexis Sanchez ayaa Arsenal u dhaliyay 12-gool 14-kiisii kulan ee uu u ciyaaray xili ciyaareedkaan.

Arsenal xili ciyaareedkaan waxey guul gaartay kaliya afar kulan, dhamaan kooxaha ay gulaha ka gaartay waa kooxo ku jira safka ugu hooseeya horyaalka 14-aad ilaa 20-aad.
Alexis Sanchez ayaa dhaliyay goolasha ugu badan ee furitaan u ah kooxdiisa in ka badan ciyaartoyda EPL-ka, isagoo goolka hore u furay Arsenal 5-jeer.

Robin Van Persie ayaa dhaliyay 5-gool, lixdii kulan ee ugu dambeysay oo ay kulmaan labadaan kooxood, laba kulan Gunners ayuu matalayay, halka Sadexna United uu matalayay.

Danny Welbeck, shabaqa ayuu soo taabtay labadii kulan ee ugu dambeysay oo uu ciyaaray kulankaan isagoo xirnaa maaliyada Manchester United.

Manchester United kaliya hal guuldaro ayey ka heshay Arsenal, 14-kulan oo ay la ciyaartay dhamaan tartamada oo dhan, 10-guul, 3-barbaro & 1-guuldaro.



Alexis Sanchez vs Angel Di Maria: Labada Xidig Ee ugu muhiimsan labada kooxood ayaan u aragnay wiilasha reer Latin America ee haatan ku cusub horyaalka Premier League-ga. Di Maria wuxuu noqday saxiixa ugu qaalisan EPL-ka kadib markii uu Real Madrid kaga soo biiray, halka Sanchez uu isna Barcelona kaga soo biiray Arsenal taasoo ka dhigan in labada wiil ay cadaawad hore isku qabeen iyadoo ay sii raacsiisan tahay in labada dal ee ay kasoo jeedaan ay kala yahiin Chile iyo Argentina oo uusan arxan dhex oolin marka la fiiriyo xifaaltankooda Latin America.

Alexis Sanchez: wuxuu Gunners u saftay 14-kulan dhamaan tartamada oo dhan isagoo u dhaliyay 12-gool, sidoo kalana caawiyay 3-goal, 2-jaale ayuu qaatay 3-jeerna wuxuu noqday Man of the Match.

Angel Di Maria: wuxuu United u saftay 9-kulan, 3-gool ayuu u dhaliyay, sidoo kalana wuxuu caawiyay 5-gool, wax jaala ah ma qaaday 1-jeer ayuu noqday Man of the Match.

LINE UPKA MACQUULKA AH:

ARSENAL:

Szczesny; Chambers, Mertesacker, Monreal, Gibbs; Flamini, Ramsey; Cazorla, Wilshere, Sanchez; Welbeck

MAN UNITED:

De Gea; Valencia, Smalling, Blackett, Shaw; Fellaini, Herrera; Januzaj, Rooney, Mata, Van Persie

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip