Cadaado Waa na ceeymisee Nin Ciil-qabow Cadaab ku waar

0
Monday July 27, 2015 - 17:46:30 in Wararka by Web Admin
  • Visits: 1142
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Cadaado Waa na ceeymisee Nin Ciil-qabow Cadaab ku waar

    Reer Cadaado gogasha aay u fidiyeen walaalahood shacuubta degan G.Galgad & G.Mudug ujeedkiisa maxuu ahaa ?? ma waxeey ka doonayeen mansan siyaasadeed oo xildoon ayeey ahaayeen mise xooladoon ayeey ahaaheen ??? intaba aan kaa bogsiiyo kana jawaabo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Reer Cadaado gogasha aay u fidiyeen walaalahood shacuubta degan G.Galgad & G.Mudug ujeedkiisa maxuu ahaa ?? ma waxeey ka doonayeen mansan siyaasadeed oo xildoon ayeey ahaayeen mise xooladoon ayeey ahaaheen ??? intaba aan kaa bogsiiyo kana jawaabo labadaa suáal oo runtii loo baahan yahay in umada Somali qaasatan kuwa ku dhaqan labadaa gobol in aay ka jawaabaan .
Shacabka iyo Maamulka Xubin & Xeeb waxaa aay muujiyeen in aayan xoola doon aheeyn balse aay yihiin xurmo-doon jecel in dhamaan inta degan labadaasi gobol ka baxaan colaada una midoobaan siyaasada guracan ee lagu dhaqi jiray qarniyadii laga soo gudbay labadaa gobol,yeeshaana hogaan xalaal ah noqdaana dad leh hal cod iyo hal ujeedo,waxaan qabaa in Madaxweeyne Guuleed uu gartaa sabbabta maamulka Xubin & Xeeb iyo kan Galmudug aay ugu tanasuleen awoodii maamul aay lahaayeen balse doorbiday in hogaanka labadaa maamul aay noqodaan xurma-doon jecel shacuubta ku dhaqan labadaa gobol in yeeshaan hal maamul oo mideeysan.

Waxaa jira xil-doon oo ah qofka damacsiisa yahay maruun xilka ii dhiiba iyada oo la ogyahay in aqoonta siyaasadeed iyo mida dhaqandhaqaale ee uu Somali u leeyahay aay tahay mid aad u yar basle indhahiisa aay qabtaan oo kaliya xilka ugu sareeya oo kaliya ( waa maruun madaxweeyne i dhaha) ,ma laha Aqoon, karti, hufnaan iyo daacadnimo,dhaqankoodada waxaaa luuqada qalaad lagu dhahaa ”nepotism” favouring of a certain community for giving senior positions in the government without considering national unity.

Xal-doon waa qofka si fudud u arka xalka meesha ugu sahlan ee laga raadin karo, waxaa uu u baahan yahay qofkaasi rag asaga oo kale ah oo leh xirfad aqooneed ujeedada iyo ka gun-gaarida goolka xalka siyaasada dhaqan dhaqaale ee dalka ku sugan yahay, runtii xal-doon waxaa lagu qeexaa dhalinta baratay cilmiga siyaasada, xeerarka caalamka iyo mida dalalka aduunka aay ku badbaadeen wallow aayan aqoon u laheeyn shareecada hadana aragtida iyo ujeedka dib u unkida nabada iyo wada-noolaanshaha calmaaniyada waa mid u muuqda xirfadihii laga rabay xal-doonimada.

Xurma-doom waa qof daacad ah,leh awood heybad hogaamin,aragtidiisa aay tahay nabada iyo wada noolaansho dhab ah,qofkaasi xilka waxaa uu u qabanayaa maaha in uu xoolo yeesho ama uu ku faano xilka uu umada u hayo balse ahmiyadiisa waa mid uu kaga doonaayo shacabka uu xilka u hayo xurmo iyo sharaf, ujeedkiisana uu yahay in uu kor u qaado qiimaha iyo sharafka umada uu xilka u qabanaayo, abaalkiisana uu noqdo in umada uu xilka u hayo aay u muujiyaan qadarin iyo qiimo aad u weeyn,somalida waxaa soo maray dad faro

ku tiris ah welina xurmo iyo sharaf loo hayo taariikhdana ka galay baal dahab ah.sida Madaxweeyne Aadan Cadde iyo Jen. Daa'uud Cabdulle Xersi

Xooloa-doon waa qof aanan laheeyn aragti dheer ujeedadiisana aay tahy boobka hantida qaranka iyo shacabka waa waxa somalida aay xiligaan ku jiraan,xoolo-doon aad ayuu ugu badan yahay inta Somali xilka u soo qabatay , Siyaasiyiin qurbaha ku daalay ayaa xiligaan ka mid ah kuwa xoola- doonka ayaga oo la ogyahay in aay wataan Baasaboora Yurub iyo USA, xaqiiqdii waa caqabad weeyn maxaa yeelay danaha shaqsiyadood waxaa ka weeyn midka aay ugu adeegayaan dalalkii aay u haajireen welina caruurtooda degen tahay, dib u fiiri inta dalka xilka u soo qabatay ama weli haya ee ka yimid dalalka dibada watana jinsiyado shisheeye?

Xaq-doon oo ah xiligaan koox faro badan xaq-doonka waxaa uu jecelyahay in xaqa wax lagu qeeybsado,waxaa u badan culumada iyo dadka aaminsan xisaabta danbe oo ah mid aanan laga carari karin .xaq-doonta Somali waa ku badan yahay balse awood ma haystaan waana looma ooye looma aare,haddii uu awooda helana waxaa uusan ka baxsaneeyn caalamaka oo aanan ogoleeyn in Somali si siman wax u qeeybsato iyo in umadaa muslimka ahi isku dhaqaan shareecada.

Dr.Ali Ahmed Hirabe Hirabe_a@hotmail.com

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip