Gudiga Doorashoyinka"Dadka Somaaliyed Waxay Sugayaan Nuucii Ay Naqan Lahayd Doorashada 2016 "

0
Tuesday August 11, 2015 - 10:11:21 in Wararka by Axmed Abukar
  • Visits: 370
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gudiga Doorashoyinka"Dadka Somaaliyed Waxay Sugayaan Nuucii Ay Naqan Lahayd Doorashada 2016 "

    Gudoomiyaha Guddiga Doorashada Madaxtinimada Somaliya, Xaliima Ibraahim Ismaaciil (Xaliima Yarey), ayaa waxay Dowladda Somaliya ugu baaqday inay cadeyso nooca lagu wado inay noqoto doorashada 2016-ka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gudoomiyaha Guddiga Doorashada Madaxtinimada Somaliya, Xaliima Ibraahim Ismaaciil (Xaliima Yarey), ayaa waxay Dowladda Somaliya ugu baaqday inay cadeyso nooca lagu wado inay noqoto doorashada 2016-ka.

Xukuumadda iyo Baarlamaanka Somaliya, ayaa daba yaaqada bishii hore ee July isku waafaqay inaanay dalka ka qabsoomi karin doorasho xalaal ah (Qof iyo codkii), isla-markaana ay ka shaqaynayan wixii xilliga kala guurka ee Xukuumadan looga gudbi lahaa, sanadka soo socda.

Xaliima Ibraahim Ismaaciil oo galabta Saxaafadda kula hadashay Xarunta Amisom Xalane Ee Magaalada Muqdisho, ayaa sheegtay in Hogaanka Wadanka laga rabo inay bidhaamiyan, wixii ay doorashadu noqon laheyd.

"Madaxda Dowladda, Xukuumadda iyo Baarlamaankaba waxaa laga rabaa inay cadeeyan nooca, ay noqon doonto doorashada sanadka 2016-ka la qaban doono, haddii ay sheegeen inaysan dalka ka dhici karin doorasho qof iyo codkii ah.” Ayay tiri Xaliima Ibraahim Ismaaciil.

"15-ka bishan August waxaan ka rabnaa inay noo sheegaan qaabka ay u dhici doonto doorashada. Dadka Somaliyeed oo dhan waxay suggayan noocii ay doorashadu noqon laheyd.” Ayay tiri Xaliima Yarey.

Gudiga ayaa 15-ka bishan ku muddeyyay waqtiga ay doonayan in lagu cadeeyo nooca lagu wado inay noqoto Doorashada Madaxtinimada Somaliya, ee sanadka 2016.
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip