Warbixin: Kondogbia Vs Paul Pogba, Miranda Vs Morata Iyo Sadexda Meel Oo Lagu kala Adkaan Karo Kulanka Adag Ee Derby Di Italia Ee Inter Vs Juventus

0
Sunday October 18, 2015 - 13:09:06 in Wararka by Central Office. Office
  • Visits: 705
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Warbixin: Kondogbia Vs Paul Pogba, Miranda Vs Morata Iyo Sadexda Meel Oo Lagu kala Adkaan Karo Kulanka Adag Ee Derby Di Italia Ee Inter Vs Juventus

    Kondogbia vs Pogba Geoffrey Kondogbia Vs Paul Pogba. Xidigaha xulka France ayaa lbadaba muhiim u ah khadka dhexe ee kooxahooda waxayn udub dhaxaad u yihiin isku xirka kooxaha Inter Milan iyo Juventus, Pogba ayaa lix kulan ku soo bilowday xili ciyaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kondogbia vs Pogba Geoffrey Kondogbia Vs Paul Pogba. Xidigaha xulka France ayaa lbadaba muhiim u ah khadka dhexe ee kooxahooda waxayn udub dhaxaad u yihiin isku xirka kooxaha Inter Milan iyo Juventus, Pogba ayaa lix kulan ku soo bilowday xili ciyaareedkaan kulmadii ay ciyaartay kooxdiisa ayaa ku guuleystay boqolkiiba 50.9 taakaladii uu sameeyay halka 66.7% boqlkiiba uu ku guulesytay kubada hawada sare lagu dagaalamo, sidoo kale wuxuu sameeyay lix kubad joojin, halka dhigiisa ree France ee Kondogbia uu ku guuleystay boqlkiiba 48.9% taakaladii uu sameeyay iyo waliba boqolkiiba 35.7% uu kubadaha sare ku guuleystay, wuxuuna sameeyay afar kubad joojin nkastoo uu todobo kulan ku soo bilowday.

 
Morata vs Miranda.

Xidigihii hore ugu xifaaltami jiray Madrid Derby xiligii ay ka kal tirsanaayeen Real iyo Atletico Madrid ayaa markale maanta ku xifaaltami doona kulanka adag ee loo qayaano Derby Di Italia ee San Siro ku dhex mari doona Inter vs Juventus, Morata ayaa qaab ciyaareed fiican ku jira xili ciyaareedkaan isagoo si fiican ay isula jaan qaadaan Dybala oo kooxda ku soo biiray xagaagii dhawaa, halka Miranda oo qeyb kamdi ah xili ciyaareedkaan ku seegay dhaawac halka kulmadii ugu danbeeyay gaar ahaa kulankii Fiorentina uusan soo bandhigin qaba ciyaareedkii looga bartay, waliba qalad uu isaga galay ayaa kooxdiisa gool looga dhaliyay kaasoo ahaa inuu jalaafeeyay Gomez.

Jovetic/Icardi Vs Chiellini.

Labada weerar ee Inter ayaa isku dayoi doona iney beegsadaan Barzagali oo ah daafaca ugu jilicsan Juve, laakin Ghiellini ayeey tahay inuu raaco xidigahaan sida fiican isku fahma ee kooxda macalin Mancini, hadii ay fursad u helaan iney raadsadaan Barzgali, waxaa la saadaalinayaa iney howl u yeeli doonaan ugu yaraan Buffon, Icardi iyo Jovetic ayaana caawinaad fiicanka helaya xidigo ay kamid yihiin Persic iyo Kondogbia taaso mashaqo kale ku noqon karta daafaca dhaawaca la dagay ee Juve.

Laacib.net
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip