Booliiska dalka Belgium oo gacanta ku dhigay dad rabay inay falal qaraxyo ka gaystaan dalkaasi.

0
Tuesday December 29, 2015 - 18:45:59 in Wararka by Central Office. Office
  • Visits: 1001
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Booliiska dalka Belgium oo gacanta ku dhigay dad rabay inay falal qaraxyo ka gaystaan dalkaasi.

    Booliiska dalka Belgium ayaa xiray labo ruux oo looga shakisan yahay inay qorshaynayeen inay magaalada Brussels weerar ku qaadaan iyaga oo bartilmaameedsanaya xafladdaha sanadka cusub.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Booliiska dalka Belgium ayaa xiray labo ruux oo looga shakisan yahay inay qorshaynayeen inay magaalada Brussels weerar ku qaadaan iyaga oo bartilmaameedsanaya xafladdaha sanadka cusub.
Qaybo ka mid ah dalkaas ayaa laga fuliyay hawlgalo Axaddii iyo Isniintii sida ay sheegeen saraakiishu, iyadoo Booliiska ay qabteen dhar millitari iyo waxyaabo borobogaandada loo adeegsado, hase yeeshee lama helin hub ama waxyaabaha qarxa.

Dalka Belgium ayaa la galiyay feejignaan sare tan iyo wixii ka dambeeyay weerarkii 13 November ka dhacay caasimadda Faransiiska ee Paris.

Dhanka kale Belgium loo maleenayaa in qaar badan oo ka mid ah dadkii ku lugta lahaa qaraxaasi inay saldhig ku lahaayeen dalkaasi, iyadoo dadka la qabtay loo maleenaayay inay weerar ku qaadi rabeen bartilmaameedyo muhiim ah oo ku yaala magaalada Brussels iyo Booliiska sida ay baahisay warbaahinta Belgium ee RTBF.
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip