Taliye Cusub Oo Loo Magacaabay Ciidanka Midowga Yurub Ee Jooga Xeebaha Soomaaliya

0
Wednesday May 18, 2016 - 13:23:40 in Wararka by Warsheekh Media
  • Visits: 291
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taliye Cusub Oo Loo Magacaabay Ciidanka Midowga Yurub Ee Jooga Xeebaha Soomaaliya

    Guddiga siyaasadda iyo amniga Midowga Yurub ayaa u magacaabay Brigadier Robert Magowan in uu noqdo taliyaha Cusub ee ciidanka Midowga Yurub ee ka howlgala xeebaha Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddiga siyaasadda iyo amniga Midowga Yurub ayaa u magacaabay Brigadier Robert Magowan in uu noqdo taliyaha Cusub ee ciidanka Midowga Yurub ee ka howlgala xeebaha Soomaaliya.

Brigadier Robert Magowan ayaa ahaa sarkaal sare oo katirsan Machadka arimaha Badda ee dalka Britain ee Royal Marine.

Guddiga ayaa sheegay Brigadier Robert uu yahay shaqsi aqoon dheer u uleh arimaha ciidanka ,sidaas darteedna loo magacaabay markii la arkay in loo baahanyahay in la dardargaliyo ciidanka Midowga Yurub ee ku sugan Xeebaha Soomaaliya.

Taliyaha cusub ee loo magacaabay in uu hogaamiyo ciidanka Midowga Yurub ee ku sugan Soomaaliya ayaa lagu wadaa in uu xilka kala wareego taliyihii hore ciidanka Badda ee Midowga Yurub General Martin Smith 3 June 2016 .

Midowga Yurub ayaa sidoo kale sheegay intii ciidanka Midowga Yurub ay joogeen Soomaaliya in ay ka hortageen falal badan oo ku saleysan burcad badeenimo iyo sidoo kale in ay ilaalilyeen Maraakiibta shixnada gargaarka ee maraya ee xeebaha Soomaaliya.

Howlagalka ciidanka Midowga Yurub ayaa bilowday sanadkii 2008 xiligaas oo ay taagneyd khatarta Burcadbadeeda .
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip