War Murtiyeed Ka Soo Baxay Kulankii Madaxweynayaasha Soomaaliya Iyo Kenya

0
Thursday June 09, 2016 - 11:01:08 in Wararka by Xafiiska Muqdisho
  • Visits: 243
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    War Murtiyeed Ka Soo Baxay Kulankii Madaxweynayaasha Soomaaliya Iyo Kenya

    Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya ayaa soo gaba gabeeyay wada hadaladii uga socday Xarunta Madaxtooyada ee magaalada Nairobi,waxana laga soo saaray war murtiyeed ka kooban dhowr qodob oo diirada lagu saaray arrimaha amniga, xiriirka ganacsi, arri

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya ayaa soo gaba gabeeyay wada hadaladii uga socday Xarunta Madaxtooyada ee magaalada Nairobi,waxana laga soo saaray war murtiyeed ka kooban dhowr qodob oo diirada lagu saaray arrimaha amniga, xiriirka ganacsi, arrinta qaxootiga iyo socdaalka.

Labada Madaxweyne ayaa isku raacay in arrinta qaxootiga lagu saleeyo heshiiskii saddex geesoodka ahaa ee horay u dhex maray Soomaaliya, Kenya iyo Qaramada Midoobey oo ku aadanaa in dib u celinta qaxootiga ay noqoto mid aan qasab aheyn.

Madaxda labada Dal ayaa guddi u saaray arrinta qaxootiga, waxeyna guddigan ka shaqeynayaan qaabkii loo fulin lahaa heshiiskii saddex geesoodka ahaa iyo dib u celinta qaxootiga, waxaana si gaar ah uga shaqeynaya Wasaaradaha arrimaha dibadda Soomaaliya iyo Kenya.

Dhanka kale waxay Madaxweynayaasha isla garteen in la fududeeyo isu socodka labada dal, iyadoo diyaaradaha ka imaanayay Soomaaliya ee lagu baaro Wajeer dib loo eego, isla markaana duulimaadyo toos ah ay bilaaban doonaan oo aan la soo mari doonin Wajer, waxaana arrintaas loo saaray guddiyo ka shaqeeya.
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip