Qurba joogta Beesha Celi ee Sweden oo katashtay horumarinta deegaanada ee beesha degto & Isbitaal ee yeelato degmada Warsheekh (Video)

0
Tuesday July 26, 2016 - 01:57:22 in Wararka by Central Office. Office
  • Visits: 2988
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qurba joogta Beesha Celi ee Sweden oo katashtay horumarinta deegaanada ee beesha degto & Isbitaal ee yeelato degmada Warsheekh (Video)

    Waxgaradka Beesha Celi Cumar ee ku nool qurbaha, gaar ahaan Dalka Sweden ayaa waxay u istaageen horumarinta deegaannada ay beeshaas degto, gaar ahaan Degmooyinka Warsheekh, Cadale iyo Muqdisho oo taariikh weyn u leh Dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan Bee

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxgaradka Beesha Celi Cumar ee ku nool qurbaha, gaar ahaan Dalka Sweden ayaa waxay u istaageen horumarinta deegaannada ay beeshaas degto, gaar ahaan Degmooyinka Warsheekh, Cadale iyo Muqdisho oo taariikh weyn u leh Dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan Beesha Celi Cumar.

Waxgaradka oo shirar kala duwan ku yeeshay degmooyin ka tirsan Dalka Sweden ayaa shirkoodii ugu dambeeyay waxay ku yeesheen Degmada 
Katrineholm, waxaana shirkaas kasoo qeybgalay ergooyin ka socday degmooyin dhowr ah oo dalka Sweden ku yaalla. Shirka ayaa waxaa looga hadlay sidii loo dardargelin lahaa barnaamijka horumarineed ee ay Beesha damacsan tahay in ay deegaannadaas ka sammeyso, waxaana isla garteen in deg degta loo galo barnaamijo lagu qalabeynayo Isbitaal laga dhisayo Degmada Warsheekh.

Shirka ayaa waxaa ka qeybgalay waxgarad ay ka mid ahaayeen Shiikh C/raxmaan Shiikh Muxyaddiin Celi, Dr. Cali Hiraabe, Xuseen Maxamed Cabdulle Wadaad, Sayid Cali Macallin, Prof. Culumo Axmed Hilowle, Xuseen Maxamuud Makaraan (Xuseen Badookiyo), Shiikh Xuseen Axmed Hilowle, Nuur Jiille, Maxmed Deeq Maxamed Xuseen, Axmed Muxumed Cali Dheere, Maxamed Macalin Daa’uud (Shiine Kaaraan), Cabdiraxman Maxamed Yuusuf (Maanka) iyo xubno kale.

Cid kasta oo dooneysa in ay ka qeybqaadato barnaamijka horumarinta ah waxay la xiriiri kartaa Guddoomiyaha Jaaliyadda Beesha Celi Cumar ee Sweden Dr. Cali Axmed Hiraabe oo laga heli karo Taleefoonkan 0046762585440.

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip