Ma Runbaa Soomalidu Wax Akhriska Iyo Wax Qorista Ma Jecla ?? W/Q .Khadar Aar

0
Saturday July 30, 2016 - 16:16:32 in Wararka by Xafiiska Muqdisho
  • Visits: 449
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ma Runbaa Soomalidu Wax Akhriska Iyo Wax Qorista Ma Jecla ?? W/Q .Khadar Aar

    Waa su'aal in badan ay dadku iswaydiyaan ,runtii marka aad u dhabbo gashana waxa aad oganaysaa in ay tahay wax jira oo aan la dafiri karin ,waayo hadii wax akhriskeena iyo wax qoristenu badan lahayd heerkan maynaan joogneen.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waa su'aal in badan ay dadku iswaydiyaan ,runtii marka aad u dhabbo gashana waxa aad oganaysaa in ay tahay wax jira oo aan la dafiri karin ,waayo hadii wax akhriskeena iyo wax qoristenu badan lahayd heerkan maynaan joogneen.

Hadii aad u kuur gasho amma aad istidhaahdo bal wax ka ogow Somalida inta wax akhrida waxa aad ka sahaminkartaa inta wax qortaa inta ay leeg tahay ,hadii aad aragto umad ay fara badan yihiin inteeda wax qortaa taasi waxa ay tusaale u tahay in markaasi ay badan yihiin umadaasi inteeda wax akhridaa.

Aduunkan aynu ku nool nahay waxa dhidibo iyo asaas u ah raadraca wixii ay ka tageen dadkoodii hore taasna waxa aad ku ogaan kartaa hadii aad hesho qoraal laga reebay amma laga qoray .

Diinteena Islaamka ee aynu haysano dhamaanteed waxa ay ku qoran tahay kutobo iyo buugaag taasi waxa ay ku tusinaysaa hadii anay jirin dadkii saxabada Nabiga csw ee inoo soo gudbiyay qoraalkaasi in aynu ahaan lahayn dad maanta halka ay marayaan kasii liita.

Markii aan u wax badan u dhabo galay dhaqanka wax akhriska Somalida waxa aan ogaaday in Qofka Somaliga ahi aanu jeclayn isla markana aanu xiisaynba in uu wax akhriyo balse uu ka jecel yahay in uu wax daawado amma uu wax ka sheekeeyo.

Qofka Somaliga ahi waxa uu awood u leeyahay in uu sacado badan uu wax daawado ,balse awood uma laha mana jeclaysanayo in xataa waxyar oo meel ku qoran in uu akhristo ,dadka qaarna waxabad arkaysaa karaha ay u qabaan wax akhrinta in Guriga ay ku nool yihiinba aad is odhanayso miyaa laga dhaariyay Buug iyo Qalin.

Hadaba hadii aynu rabno in ay bataan dadkeena wax qoraa waxaa ila fiican in ay horta bataan oo la helo dad wax akhrista .nina qoraa ma noqon karo hadii aanu ahayn mid akhrisdkiisu badan yahay ,qofba qofka uu ka akhris badan yahay ayay qoraladiisuna ka xiisa badan yihiin ,inkastoo aftahanimada iyo hal-abuurka la is dheer yahay .

Dhammaan dadka u kuur gala cilmiga bulshadu waxay isku raacsan yihiin in umad kasta garashadeedu ay ku dhisan tahay hadba inta ay aqoonteedu le'egtahay ,umad kasta oo aqoon yahan keedu badan yahayna waxaa lagu gartaa waxa bata dadkeeda wax akhrista kuwaaso marka danbana iyagu wax qora.

Ummad kasta oo aduunka ku nool isla markana uu hooseeyo heerkeeda aqooneed, waxaa marag madoona in uu hoosaynaayo hamiigeeda wax akhris iyo wax qoristuba taasi oo marka danbana ku danbaynaysa ,in ay dib u raacdo radadkii jahliga ee ay wakhti hore kasoo gudub tay.

Aduunkan aynu ku nool nahay aqoon la barto waxa ugu wayn uguna muda karsan waa Kidaabka ILAHAY csw ,kaasi oo qofkasta oo barta ay khasab tahay in wacyigiisa aqoneed uu kor u kacaayo oganayana Aduunkani If iyto Aakhiro halka uu ku danbaynaayo.

Hadaba dhibatada dhinacaasi culuunta Diinta iyana inaga haysata waxaa ka mid ah ,iyada oo Culimadeenii waawayneed ay ku adag tahay in ay dadka usoo qoraan bugaag iyo kutub ku qoran afka Somaliga,taasi oo aan isleeyahay wax badan ayaa waxa ay ka tari lahayn fahamka Diinta.

Ilahay khayr ha siiye inkastoo la odhan karo culimada Somalidu door wayn ayay ka qateen koboca garaadka dadka gar ahaan xliyadan danbe , hadana waxa aad mooda in iyaga laftoodu ay inagala mid yihiin dhinacyada wax qorista oo ku yar.

Ninka caalimka ah ee Somaliyeed waxa uu awood u leeyahay in uu Muxadarooyin aad u badan uu qabto isaga oo dadka kula hadlaaya ,balse marka aad u fiirsato muxadarooyinkaasi inta badan waxa uun yimaada dad gaar ah oo Ilahay khayr siiyay muxadaroonkaasi ku xidhan ,balse way yar tahay in ay xaadiraan malinkasta muxadarada dad cusubi.

Hadii ay culimada Somaliyeed laftoodu ay heli lahayeen in ay qoraan bugaag afka somaliga ku qoran ammaba laga caawiyo dhinaca qorista waxa aan isleeyahay waxa kor u kici lahaa dadkeena wax qora waxna akhriya.

Khasab mahan in qofkasata oo wax qorayaa in uu ka hadlo mawduuc u bahan in wakhti badan lagu bixiyo ,balse waxa kaliya oo xataa aad qori kartaa adoo ka hadlaya tusale ahaan ,Geedka Galoolka ah iyo fa'idada uu dad iyo duunyaba u leeyahay.

Qofka qoraaga ahi waxa uu soo sara amma uu iftimiya waxyabo badan oo maalinkasta bulshada dhex deeda ka dhaca,hadaynu nahay Somali waxa aad modaa in ilaa hada wali aynan dhaafin sheekoyinkii la inooga soo tabiyay Ciigaal shidaad iyo dhagdheer iwm.

Akhristayaal waxa aad ogataan in maalinkasta sacad kasta ay wadankeena iyo meelkasta oo aduunka ka mid ah ay ka dhacaan sheekoyin wax ku ool ah oo dadka loo soo gudbin karo .

Hadaad maanta oo kaliya inta aad Suuqa u baxdo aad u fiirsato bulshada iyo qaabka ay u wada macamilayso waxa laga yabaa in gurigagi aad kusoo noqoto adoo soo fa'iiday sheekoyin aad u fara badan oo hadii si xigmadleh loo qoro bulshada kalin wayn u biixinaya.

Aan idin xasuusiyo sida yar ee ay sheeko ku abuurmi karto amma ay u noqopn karto mid dadka losoo gudbiyo,iyada oo laga dheehan karo ujeedada ay gudbinaysaa fa'idad ay leedahay .

Anigaygan hada qoralka idinla wadagaya,ayaa maalin maalmaha ka mid ah aniga oo jooga Hargaysa ,laguna jiro xilli dorasho ay wadanka ka socoto,ayaa waxa aan ku soo baxay laba nin oo saxiib ah isla markana shaqadoodu ay tahay dadka wax ku xamaala Kariyoonaha amma Gaadhi-gacanka qofba sida uu u yaqaano.

Waxa aan soo kor istagay labadii nin oo inta midkastaba Kariyonahisii dhabarka ugu jiifsaday uu kii kale ugu dharanaayo hadii dorashada maanta nalaga helo wadankaba waanu iskaga tagaynaa.

Labada nin waxa ay kala tabacsanayeen labadii xisbi ee Udub iyo Kulmiye ,waxa aan waydiiyay madama ay yihiin laba nin oo saxiiba isku shaqo iyo isku duruuf ah ,waxa sababay in ilaa xad-kan ay isla gadhaan .

Mid ka mida ayaa waxa uu igu yidhi ,labadayadu waxa aanu la kala safanahay labada nin ee tartamaaya ,ujeedadayaduna mahan in aanu ku kala raacsan nahay horu mar iyo wax qabad balse waxa anu nahay kuwo midkastaba uu tageerayo ninka la qabiilka ah.

Akhristayaal sheekadu waa ay dherayn waxanan filayaa in aan hore usoo qoray ,balse hada waxa uun aan uga jeedaa ,hadii labadaasi nin ee halkaasi ku murmayay aan iska dhaafi lahaa way adkaan lahayd in sheeko noocan ah aan soo gudbiyo.

Markaa waxa aan idiin sheegayaa sheekoyinka iyo hal abuurnimadu wax kale maha ee waa nolol maalmeedkenan ,balse muhimadu waxa ay tahay yaa soo gudbinaaya ,yaa dadka kasoo tabinaaya dhacdooyinkan malinkasta horteena iyo dabadeenaba ka dhacaya,xaqiiqdu waxa ay tahay waa in la helaa qoraa soo gudbiya xigmadahaasi .

Waan ogahay in aanu hawl yarayn in wax la qoro ,waayo wax qoristu waxa ay kaga bahan tahay in aad hesho wakhti ka badan kan ay haystaan dadka aan waxba qorin,ninka qoraaga ahi waa hal abuur doonaya in uu dadka u gudbiyo waxyabaha uu isleeyahay waxbay ka fa'iidayaan.

Sidii kale waxa aan fahmi karaa in ay dag tahay in qofku uu wax akhriyo ,balse marka loo kuur galo wakhtiga faraha badan ee ay dadkeenu ku lumiyaan waxyabo badan oo anay dani ugu jirin miyanay ka fiicnateen in uu wax dani ugu jirto uu akhriyo.

Waxaa jira in bulshadeena dad badan oo kamidii ay qaadka cunaan,waxa ay ila tahay iyaga laftoodu hadii ay heli lahayeen bugaag ku qoran afka somaliga in ay uga fa'idaysan lahayeen inta ay fadhiga qaadka ku jiraan in ay akhrisan lahyeen,lagana yaabo in waxyabaha ay akhrisanayaan ee fa'idada lehi ay marka danbe ka horjoogsadaan cunista iyo wakhti lumiska qaadka.

Aduunkan aynu ko nool nahay majiro qof aqoonta ku dhashaa balse waa wax la barto,waxa kaloo aan idiin hubaa in akhriska laftiisa la barto,hadaad baratana anaad ka xiiso goynayn oo aad jeclanayso in markasta aad wax akhrido.

Haddaba su'aasha iswadiinta lihi wax ay tahay ,hadiiba hadadan lafteeda ay jiraan dad amma dhalinyaro fara kutirisa oo jecel in ay wax akhriyaan ,halkee ayay ka helayaan goobaha wax lagu akhristo cilmigana lagu kadiyo sida Maktabadaha iwm.

Waa su'aal meesha ku jirta ,jawaabteeduna ay adkaan karto sababta oo ah ma jiraan amma hadiiba ay jiraan waa wax kooban oo aan dadka ku filayn,inta badan anigu waxa aan ka hadlayaa waxa ay tahay in la helo Kutub amma Bugaag ku qoran afkeena Somaliga ,taasina waxa ay ilatahay in aanay jirin amma ay yartahay.

Haddaba waxaa hubaal ah in arintaasi ay tahay, mushkilad ina wad saamaysay , oo ina wada haysata una bahan in sida ugu dhakhsaha badan xalkeeda loo helo ,hadii xal dhakhsa ah loo wayana ay hoos u dhacayso garaadka iyo garashada dadkeenu.

Maanta waxa jiraa in wadankii waxbarashadiisu ay si xawli ah u socoto, hadana waxa lagama maarmaan ah in dhalintaasi wax baranaysa loo helo goobo ay ka helaan aqoonta dadka wax qoray.

Hadaba waxa aan qoralkaygan kusoo gaba-gabaynayaa sidee ayaa kor loogu qaadi karaa garadkeena wax akhris iyo qoraal sidi ay umadeenu u noqoto mid la jaan qaada horu marka aduunka ka jira ?

Waxa aan kula talin laha dawlada markasta dhaqalaha ku bixinaysa wax aan umada dani ugu jirin sida xafladaha aan macnaha badan lahayn ee maalinkasta lagu bixinaayo malayinka Lacaga waxa ila haboon in dhalinta loogu dhiso goobo ay maskaxdooda iyo garaadkoodaba ku kobciyaan.

khadar-aar.blogspot.com

facbook.khadaraar@hotmail.com

khadaraar7@gmail.com

https://twitter.com/khadar_aar




W.Q .Qareen/khadar Ibrahim Aar
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip