Madaxweynaha Oo Kulan Sagootin Ah La Yeeshay Danjiraha Burundi U Fadhiyay Soomaaliya + Sawirro

0
Thursday August 18, 2016 - 15:55:21 in Wararka by Xafiiska Muqdisho
  • Visits: 302
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Oo Kulan Sagootin Ah La Yeeshay Danjiraha Burundi U Fadhiyay Soomaaliya + Sawirro

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Xarunta Madaxtooyada kulan sagootin ah kula qaatey Danjiraha Jamhuuriyadda Burundi u fadhiya Soomaaliya, General Joseph Nkurunziza oo waqtiga xilkiisa Soomaali

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Xarunta Madaxtooyada kulan sagootin ah kula qaatey Danjiraha Jamhuuriyadda Burundi u fadhiya Soomaaliya, General Joseph Nkurunziza oo waqtiga xilkiisa Soomaaliya uu dhammaadey.


Madaxweynaha ayaa uga mahad celiyay safiirka sida wanaagsan ee uu u gutay waajibaadkiisa muddadii labada sanno ee uu dalkiisa wakiilka uga ahaa Soomaaliya.

"Waan ku faraxsanahay xiriirka wanaagsan ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Burundi.

Hoggaanka iyo shacabka Soomaaliyeed waxay mahad gaar ah u hayaan Burundi iyo doorka geesinimada leh ee ay ku taageertay in ciidammadeeda ay qeyb ka noqdaan Hawlgalka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika (AMISOM).

Taariikhda cusub ee qormeysa ee dalkeena ayay Burundi qeyb ka tahay.

Adigana waxaan si gaar ah kaaga mahad celineynaa doorka aad ka qaadatey isku xirka, iskaashiga iyo xoojinta xiriirka labada dal’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa danjiraha ka codsadey inuu salaan ka gaarsiiyo Madaxweynaha Burundi Pierre Nkurunziza.

Safiirka waqtigiisa dhammaadey ee Burundi ayaa isna kulanka hadal ka jeediyay, waxaana uu uga mahad celiyay Madaxweynaha, mas’uuliyiinta kale ee dowladda iyo shacabka, sidii wanaagsaneyd ee ay ula shaqeeyeen intii uu joogay dalka.

Danjire Nkurunziza oo muddo laba sanno ah xilka hayey, ayaa ahaa safiirkii ugu horeeyay ee Jamhuuriyadda Burundi si rasmi ah ugu soo dirto Soomaaliya, kadib dagaaladii sokeeye ee Soomaaliya ka dhacay.





-----------------------DHAMMAAD-----------------------

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip