Dhageyso:-Maamulka Gobolka Banaadir Oo Amar Ka Soo Saaray Banaanbaxyada Muqdisho Lagu Qabto

0
Sunday September 18, 2016 - 14:52:55 in Wararka by Xafiiska Muqdisho
  • Visits: 138
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhageyso:-Maamulka Gobolka Banaadir Oo Amar Ka Soo Saaray Banaanbaxyada Muqdisho Lagu Qabto

    Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Shiikh Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale oo maanta kulan la qaatay Gudoomiyeyaasha 17-degmo ee Gobolka Banaadir ayaa faray in wax banaan baxyo ah la qaban karin, iyadoo aan fasax laga heysan Maam

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Shiikh Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale oo maanta kulan la qaatay Gudoomiyeyaasha 17-degmo ee Gobolka Banaadir ayaa faray in wax banaan baxyo ah la qaban karin, iyadoo aan fasax laga heysan Maamulka Gobolka Banaadir.

Kulanka markuu soo dhaamaaday waxa warbaahinta ugu warbixiyay Afhayeenka Gobolka Banaadir C/fataax Cumar Xalane isagoo xusay in la mamnuucay banaan baxyada, isla markaana maamulka tallaabo sharciga waafaqsan uu ka qaadi doono cidii qabata banaan baxyo aan maamulka wax fasax ah looga heysan.

"Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho waxaa uu mamnuucay in aan banaan baxyo aanu Gobolku ogeyn aanu ka dhici karin Magaalada Muqdisho, waxaa la faray Guddoomiyeyaasha 17-ka degmo in aan degmooyinkooda wax banaan bax ah lagu qaban Karin”, ayuu yiri Afhayeenka Gobolka Banaadir Kulanka kadib.

Arintaan ayaa kusoo beegmaysa xili Xisbiyada siyaasada dalka ka jira ay dhawaan ku baaqeen in la dhigo isu soo baxyo nabadeed oo looga soo horjeedo Madaxweyne Xasan Sheekh oo waqtigiisa dhamaaday.
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip