Gumaysigu Afrika lixdankii daqaduu ka baxay; Albaabkana waa uu kasoo galay.

0
Friday September 30, 2016 - 23:44:12 in Wararka by Central Office. Office
  • Visits: 779
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gumaysigu Afrika lixdankii daqaduu ka baxay; Albaabkana waa uu kasoo galay.

    Waa maxay gumaysi ? Yaase la gumaystaa? Yaa wax gumaysta? Runtii waa sadax su'alood oo u baahan in la ga jawaabo.hadii aan isku dayo anigu fikir ahaan in aan su'aalahasi jawaabo ku haboon u raadiyo, waxa ay ila tahay. 1. Waa maxay gumaysi?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waa maxay gumaysi ? Yaase la gumaystaa? Yaa wax gumaysta? Runtii waa sadax su'alood oo u baahan in la ga jawaabo.hadii aan isku dayo anigu fikir ahaan in aan su'aalahasi jawaabo ku haboon u raadiyo, waxa ay ila tahay. 1. Waa maxay gumaysi?

Gumaysi waa cidkasta oo isku dayda ,in ay kaa horjoogsato, kuuna diido ,waxkasta oo dhaqankaaga iyo hidahaaga ah, in aan isku maamusho,doonaysana in ay kugu hirgaliso dhaqan iyo afkaar ay iyadu wadato ,xoog iyo xeeladba.

Waxaanu gumaysigu u qaybsamaa laba qaybood ama laba kooxod ,mid waxa uu isku dayaa in uu xoog kugu gumaysto ,kan kalana waxa uu ka fikiraa in uu xeelad iyo siyaasad kusoo mara,isaga oo sida Jiirka ku afuufaaya.

Ilaa Nabi Aadam cs iyo hoyadeen Xaawa ,Dunidan aynu ku nool nahay waa uu soo jiray Gumaysigu,ma jirto lama helaayo cid ka bari ah oo aan lasoo gumaysan,cid soo gumaysatayba .cidkasta oo wax soo gumaysatayba iyana waxa hubaala in uu jiray wakhti cagta hoosteeda lasoo galiyay.

Gumaysiguna maaha wax in la cadeeyaa ay adag tahay ,waa uun nin kaa xoog iyo xoolo badan,kadibna jaanis iyo fursan u helay in uu taladiisa iyo tamartiisa kugu maamulo,adiguna amma aad aqbasho amma aad diido.

Gumaysi kasta , qaabka iyo xeelada ay wax ugu suura galayaan ayuu wax ku gumaystaa,waxanay ku xidhan tahay kolba khibrada iyo aqoonta uu u leeyahay sida wax loo gumaysto.

Gumaysiga inta badan xoogga isticmalaa,waa kan ugu liita uguna itaalka daran,waxaana la odhan karaa waa midkii ay Afriki lixdanadii kasoo xorowday.Waa gumaysi xoog iyo qori kugu haysta,balse waxa ay ku xidhan tahay hadba inta aad ka fikirto jaaniskii aad kaga bixi lahayd.

Gumaysiga xooga kugu haystaa waxa laga yaaba in uu dad iyo duunyaba ku baabiiyo,balse hadana kolba inta yar ee soo hadhay waxa ay noqotaa mid guulaysata ; waxa dhici karta in gumaysiga xooga kugu haystaa in uu waxooga hanti ah dhulkaaga ka dhaco, kadibna uu qaato; lakiin waa ay adag tahay in uu garaadkaga iyo caqligaaga kaa dago.

Gumaysiga xooga wax ku haystaa ,waa uu ka fursad iyo jaanis badan yahay kan siyaasada iyo xeelada kugu haysta ; waanay ka fududahay sida looga baxaa marka loo eego kan siyasada kugu maamulaaya.

Tusaale:- Waraabuhu marka uu doonaayo in uu cuno Deerada ,waxa uu isku dayaa in uu orod ku qabto ,balse Deeradu intii karaan keeda ah waxa ay ku tala gashaa in ay ka baxsato oo aanu cunin . Xataa hadii uu qabto ilaa inta ay ka dhimanayso isma dhiibta oo way firig-firig laysaa.

Gumaysiga siyasada iyo xeelada kugu maamulaa waa sida shaydaanka ,ma ogaatid meel uu kasoo galay ,waa mida keentay in Afrika oo dhami ay u wada xadrayso,iyada oo ah in aanay meel ku gaadhayn.

Madaxwaynaha dalka Rwanda Poul Kogame ,ayaa waxa laga hayaa halku dhig ah,Reer yurubow waxa aad na siinaysaan ee cawimo ah noo ogolaada in aanu anagu danahayaga ku fushano,balse ha na odhanina waxaas iyo waxaas ku qabta.

Yaase la gumaystaa?

Su'ashan lafteeda waxa aan u kala qaadayaa sidii tiihore laba arimood : tan koowaad Horta ma jiraa dad iyaga u baahan oo jecel in la gumaysto? waa su'aal kale oo kasoo dhaxbaxaysa su'aashii ahayd yaa la gumaystaa.masa jiraan dad aan rabin gumaysi oo lagu khasbaa?

Anigu waxa aan aminsanahay haa waa ay jiraan dad iyaga iskood u raba in la gumaysto! Su'aal kale ayaa hadana halkaasi ka dhalanaysa oo ah ; maxay ayay ku falayaan gumaysiga ? magaranaayo ! balse waxa ay ila tahay ! waxa ay iska dhaadhiciyeen in dhaqankii iyo hab-nololeedkii ay kusoo jireen uu ahaa mid aad danbeeya,taas awadeed ayaa waxa ay rabaan in ay la jaan qadaan waxa ay u arkeen ,xadarada iyo ilbaxnimada dhalanteedka ah ee ay wataan gumaystayaashu.

Ma jiraan dad aan rabin in la gumaysto ? waxaan qabaa haa wakhtiyadii hore ,iminka se maya; haday jiraana way yar yihiin .Wakhtiyadii hore gumaystahu waxa uu ku duuli jiray dad iyo dal meel iska yaala oo Ilahay abuuray, kadibna waa la qabsan jiray,ilaa la ogolaysiinaayo danta laga leeyahay.

Waxa aynu in badan maqalnaa halyay amma geesi,wax kala meeha waa nin diiday oo kasoo horjeestay in la gumaysto dadkiisa iyo dalkiisa,una diiday in lagu maamulo laguna dhaqo fikir iyo afkaar aanu garanayn meel ay ku sal leeyihiin.

Waxaa geesiyadaa ka mid ahaa AHN geesigii Somaliyeed ee Axmaed Guray,Sheekh Bashiir,Sayid maxamed Cadulle Xasan iyo rag kale oo aad u fara badan, kuwaasi oo la odhan karo waxa ay diideen hanaankii dawladnimo ee uu gumaysigu Somalida la rabay.

Yaa wax gumaysta?

Waxaa wax gumaysta .cidkasta iyo dawladkasta oo isu aragta in ay leedahay quwad Milatari.xataa hadii ay dawladi leedahay xadaarad,aqoon,waxbarash iyo dhaqaale,hadana waxba ma gumaysan karto, awoodna uma laha in ay cidkale guumaysato amma ay maskaxda ka qabsato,hadii aanu jirin quwad Milatari oo lagaga baqo.

Waxa kaloo wax gumaysta, dawlad iyadu leh hadaf iyo ujeedo fog oo aan ku kuubnayn oo kaliya dhaqale iwm.waxaa wax gumaysto dawlad wadata fikir iyo mabaadii ay rabaan in ay uga xukun dhigaan dadkaasi ay gumaysanayaan,hadii aanay taasi jirin u suura galimayso in ay wakhtibadan kusii nagadaan dadkaasi.

Cidkasta oo rabta in ay wax guumaysato,waa in ay awoodeeda Milatari ay ku ladhnaata,xadaarad iyo ilbaxnimo dhalanteeda oo ay tusinayaan dadkaasi ay gumaysanayaan.

Hadii aanay taasi jirin awood Milatari waxa adkaanaysa in ay suura gasho hadafkii ay lahyeen,waana midii ku dhacday sideetamaadkii isbahaysigii waynaa ee Midawga Sofiyeeti. waa mida maanta haysata Dawlada aduunka ugu dadka badan ee Shinaha.

Gumaysigu maaha nacas ; gumaysigu waa ni samir badan,hadii aad wakhtiyadii hore aad taqaneen gumaysi dantiisa kaa fushada kadibna kaa taga,taasi maanta ma taalo,gumaysigu maanta waa saxiibkaa ,waa cida aad ugu jeceshahay aduunka,waa cida aad markasta ka rabto in ay ku caawiso.

Hadii aan intaasi ku soo koobo,faqidadii aadka u koobnayd aan ka bixiyay Gumaysiga,aan u gunda dhaco ujeedada qoraalkayga oo ah; maanta Afrika gumaysigii ma ka baxay mise waa uu joogaa?

Anigu waxa aan ahay dadka aamin san in Afrika aanu gumaysiba habeena ka dhaxin waxa iga dhaadhacsan in Gumaysigu afrika uu Daaqada ka baxay lixdankii, Albaabkana kasoo galay isla Lixdankii.

Hadiiba ay sidaasi tahay,waa maxay dabaal degyadan iyo mashxaradahan Afrika iyo inaguba aynu samaynaa.Hargaysa waxa laga xusaa 26/6/1960 ,Muqdsho waxa laga xusaa 1/7/1960 ,Djaburi waxa laga xusaa 27/6/1977.

Waxan oo dhami maxay ayay yihiin ,maxay astaan u yihiin maxaa loo sameeyay, maxaa loo xusayaa hadiiba aanay jirin gumaysi dalkii ka tagay,maxaa dhaqalaha intaa leeg loogu bixinayaa.

Intaasi oo dhamiba waa su'aalo u baahan wakhti intan ka badan in loo helo si wax looga qoro.Balse anigu hadaan is idhaahdo jawaabo kooban ka bixi waxa ay ila tahay ,sidaan horayba u sheegay ma jiro gumaysi tagay,balse waxa tagay oo Diyaradaha raacay Ashqaaskii iyo mufakiriintii hawshan waday,kadib markii ay heleen arday iyo macalimiin u fulisa hadafkii iyo ujeedadii ay markii horaba u yimaadeen.

Tusaale: Hadii aan maanta aan rabo in aan cashar kuu dhigo,waxna ku baro,balse aad iga diido ,oo aad ii aragto in aan ahayn nin dangaara kaa leh ; Ka waran hadii inta aan kaa tago isla casharkii aad igu diiday aan usoo dhiibo qof walaalkaa ah,kadibna aad aqbasho casharkiina aad si fiican u qaadato, taas macnaheedu saw mahan in aad dantii laga lahaa aad si dadban u fulisay.

In badan ayaynu iminka waxa aynu maqalnaa,iyada oo Afrika lagu canaan looga dhigaayo, in aanay si fiican u hirgalin nidaamka Dimuqraadiyada, balse ma ogtahay in Afriki ay leedahay nidaamyo ka fiican Dimuqradigaasi sanka laga galinaayo .

Ma jecli in aan faalo ka bixiyo Dimuqradiyada.balse waxa uun aan dadka xasuusinayaa in ay tahay,ujeedadii ugu wayneed ee uu gumaysigu Afriga iyo qayrkeedba uu ka lahaa una qabsaday wakhiyadii hore .

Wadamo badan oo Afrika ah waxa lagu fanaa ,tariikh iyo astaanna u ah Guryahii iyo talooyinkii uu lahaa Gumaystahu .Afrika oo dhan waxa looga sharci dhigay in wadankastaba uu leeyahay intii uu gumaysigu ogaa Dhul ahaan ,wixii intaasi kasoo hadhayna ay yihiin wax aan sharci ahayn.

Wadankasta oo Afrika ah waxa halyay iyo nin rageed u ah cidii gumaysiga lasoo shaqaysay.Xataa haduu ahaa Kuugii wax u karinayay waa halyay waa madax,waxa uu yahay nin la maamuso loogana danbeeyo maamul iyo maarayn.

Ma jiro mana la heelaayo madaxwayne Afrika ah oo marka la dhisaayo aanay talo ku lahayn Gumaystahu ,Soomalina daa hadalkeeda .Dawlad kasta oo la dhisaayo waa in ay iyagu yeeshaan talada iyo go'aanka iyo qaabka loo maamulaayo. Waxaaba taasi kasii daran in ay bixinayaan dhaqalaha aad doorashada ku galayso.

Anigu kama hadlaayo in xidhiidh lala yeeshaa reer galbeedka in ay tahay mid aan wanag sanayn ,taas ujeedadaydu maaha,wanan ogolahay gaal iyo Muslinba in aduunku aanu kala maarmayn ,balse waxaa ii muuqata in maanta xaaladu ay marayso meel halisa ,aduunkiina uu gacanta u galaayo gumaystayashii horayba u kala qaybiyay.

Dhulka Somalidu waxa uu ka mid yahay, meelaha aadka looga xafladeeyo xiliyada been abuurka ah ee lagu magacaabo Xoriyadaha.Dhulka xafladaahasi aadka looga xuso waxaa ka mida :Hargaysa ,Muqdisho iyo D Jabuuti.

Waxa ayaamaha laga sheekeeyaa,oo la isku maaweliyaa,heeso,gabayo iyo tariikhkasta oo ka sheekaynaaya xumaantii iyo xanuunkii soo maray umadaasi markii uu gumaysigu xukumayay ; Waxaa lasoo qataa tariikh kasta iyo halku-dhig kasta oo la isleeyahay waxa uu ku sun tan yahay xilaagi aadka u foosha xumaa.

Anigu waxa aan aamin sanahay in xuska ayaamahaasi ay yihiin ,kuwo gumaysiga lagu tusaayo in aan la ilaabin ,ilamana aha kuwo lagu xasuusanaayo dhibtiisii ee waa kuwo isaga lagu xasuusinaayo in aan wali la ilaabin ee la jecel yahay .

Ma isleedahay Soomalida waa la gumaystay xiligaasi lixdankii? waxaan odhan kara maya,waayo Somalidu waxa ay lahayd xiligaasi dhaqan aad u xaqjir ah,kaasi oo aan u suura galinayn in cidkale ay dhaqamo ay leedahay ay soo galiso.waa laga yaaba waxooga raadad ah oo uu kaga tagay Talyanigu Xamar iyo Faransiiska oo Jabuuti haystay in ay wali kusii hadhsan yihiin.

Waxa kaliya oo lagaga bixi karaa waxa ay tahay, iskaashi, is garabsi iyo in dib loogu laabti Diinteenii Shariifka ahayd ee Ilahay inoo soo dajiyay ; taasoo inoo tilmaamaysa dhibkasta oo umad kusoo dhacday sida ay kaga baxday.

Wabilaahi tawfiiq.

khadar-aar.blogspot.com

facbook.khadaraar@hotmail.com

khadaraar7@gmail.com

W/Q-Khadar Ibrahim Aar.

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip