Xildhibaanada Maamulka Hirshabeelle Oo Maanta La Xareeyay

0
Saturday October 08, 2016 - 15:37:06 in Wararka by Xafiiska Muqdisho
  • Visits: 516
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xildhibaanada Maamulka Hirshabeelle Oo Maanta La Xareeyay

    Magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxaa maanta isugu tagay xubnaha Baarlamaanka maamulka cusub ee Hirshabelle, oo dhismahiisa uu ka socdo magaaladaasi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxaa maanta isugu tagay xubnaha Baarlamaanka maamulka cusub ee Hirshabelle, oo dhismahiisa uu ka socdo magaaladaasi.

Xubnaha ayaa hoolka shirarka ee Magaalada Jowhar kula kulmay gudiga matalaya Wasaaradda Arimaha Gudaha iyo federaalka ee hagaya hanaanka farsamo ee shirka, iyaga oo isla meel dhigay sii wadidda shirka si loogu gudbo qeybaha kale ee wali ka harsan shirkaasi.

Xildhibaanada Baarlamaanka maamulka cusub oo wali aan si rasmi ah loo shaacin tiradooda ayaa wariyaasha ku sugan Magaalada Jowhar, waxaa ay soo sheegayaan in qorshuhu uu yahay in maanta la xareeyo Xildhibaanada si maalinta barito ah loo dhaariyo.

Mas’uuliyiinta Wasaardda Arimaha Gudaha iyo federaalka Soomaaliya ayaa dadaal ugu jira in la dhameystiro dhismaha maamulka Hirshabelle oo iminka howshiisu ay mareyso meel gabo gabo ah.



Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip