Dowlada Mareykanka Oo War Kale Ka Soo Saartay Duqeeyntii Ka Dhacday Duleedka Magaalada Gaalkacayo

0
Wednesday October 12, 2016 - 14:35:17 in Wararka by Xafiiska Muqdisho
  • Visits: 957
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowlada Mareykanka Oo War Kale Ka Soo Saartay Duqeeyntii Ka Dhacday Duleedka Magaalada Gaalkacayo

    War saxaafadeed ka soo baxay safaaradda dawlada Mareykanka ay ku leedahay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, ayaa waxaa lagu sheegay in dowladda Mareykanku ay si dhow ula shaqeyneyso dowladda federalka ee Soomaaliya, Maamulada Galmudug iyo Puntland si

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

War saxaafadeed ka soo baxay safaaradda dawlada Mareykanka ay ku leedahay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, ayaa waxaa lagu sheegay in dowladda Mareykanku ay si dhow ula shaqeyneyso dowladda federalka ee Soomaaliya, Maamulada Galmudug iyo Puntland si ay uga wada hadlaan arrinta la xiriirta dhacdadii 28 September ciidamada ee Mareykanku ka geysteen Magaalada Galkacyo.

Warkaan ayaa sidoo kale lagu sheegay in dawlada Mareykanku ay ka war hayaan weerarka dhimashada iyo dhaawaca Galkacyo iyagoo eedeymahaasi si dhab ah ay u qaadanayso.

Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya ayaa kulamo kula yeeshay bishaan October 6,7, iyo 8-deeda Magaalada Muqdisho, odoyaasha, dhaqanka, hoggaanka sare ee bulshada iyo siyaasiyiinta Koonfurta Galkacyo, iyo madaxweynayasha Galmudug iyo puntland iyo sidoo kale Saraakiisha Ciidanka Qaranka Soomaaliya.

Danjiraha Mareykanka ayaa xusay in Mareykanku uu doonayo inuu horumariyo xiriirka iyo wada shaqeynta ay la leeyihiin ciidanka ammaanka Galmudug iyo kuwa qaranka Soomaaliya si loola dagaallamo Al-Shabaab.

Dowladda Mareykanka ayaa dhanka kale ku boorisay maamulada Galmudug iyo Puntland  inay wada hadal dhab ah galaan si loo xaliyo khilaafka ka dhex jira Labada Maamul.

Ugu dambayntii Mareykanka ayaa sheegay in ay ka go’antahay inay la shaqeeyaan dhammaan Soomaalida si Soomaaliya ay u gaarto nabad, barwaaqo iyo ammaan.

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip