Suuq cusub oo laga furay tuulada Maraweyn ee degmada Warsheekh

0
Wednesday October 26, 2016 - 12:16:31 in Wararka by Central Office. Office
  • Visits: 2087
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Suuq cusub oo laga furay tuulada Maraweyn ee degmada Warsheekh

    Gudoomiyaha degmada Warsheekh Col. Axmed Xuseen Axmed (Shiidka) iyo Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee Amniga iyo Siyaasadda Muriidi Xasan Gurey ayaa maanta waxay si wadajir ah xariga uga jareen suuq cusub oo laga hirgeliyay tuulada Maraweyn oo ka tirs

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gudoomiyaha degmada Warsheekh Col. Axmed Xuseen Axmed (Shiidka) iyo Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee Amniga iyo Siyaasadda Muriidi Xasan Gurey ayaa maanta waxay si wadajir ah xariga uga jareen suuq cusub oo laga hirgeliyay tuulada Maraweyn oo ka tirsan tuulooyinka hoosyimaada degmada Warsheekh, kaasi oo dhawaan lasoo gabogabeeyay dhismihiisa.


Col. Axmed Xuseen Axmed (Shiidka) oo ka hadlay xafladan ayaa sheegay in mashaaricdan ay muhiim u ahaayeen bulshada ku dhaqan dhamaan tuulooyinka hoosyimaada degmada Warsheekh, qaasatan tuuladaan maanta xariga laga jaray suuqan cusub, gudoomiye Shiidka oo hadalkiisa sii wata ayaa wuxuu sheegay in nolosha dadka deegaanka ay aad muhiim ugu tahay hirgelinta dhismaha suuqan, taasi oo sheegay in ay ku wada faa’iidi doonaan shacabka kale ee ku dhaqan tuulooyinka dariska la ah tuuladaan mahad celin ballaaaraana ujeediyay hay’adda DRC/DDG oo ka qeyb qaatay hirgalinta mashaaricdan isagoo ugu baaqay hay’adaha kalena in sidaan si la mid ah uga qeybqaatan.

Qaar ka mid ah bulshada ku dhaqan tuulada Maraweyn oo xafladdani ka hadlay ayaa iyagana waxay mahadcelin iyo bogaadin usoo jeediyeen maamulka degmada tallaabada horumarka leh uu qaaday iyo hay’adda DRC/DDG oo ka qeybqaadatay hirgelinta mashuruucan.

Mashruucaan lagu furayay dhismaha suuqa cusub ayaa wuxuu ka mid yahay mashruuca Wadajir Bulsho, oo ah mashruuc horumarineed oo hay’adda DRC/DDG ka fulineyso 19 tuulo oo ka mid ah tuulooyinka hoosyimaada degmada Warsheekh iyo xarunta degmada oo ay hore uga hirgelisay dhismaha Saldhiga Boliiska iyo dhismaha Suuqa weyn, iyadoo qarashka ku baxay dhismaha suuqa cusub ee tuulada Maraweyn ay bulshadu bixisay %25 halka Haya'adda DRC/DDG ay bixisay %75.

Ugu dambeyn, Col. Shiidka ayaa kormeer kusoo maray qaar ka mid ah tuulooyinka laga hirgeliyay mashariicdaan kuwaasi oo horey xariga looga jaray isagoona u kuurgalayay sida dadka uga faa’ideen, tuulooyinka uu kormeerka ku soo marayna waxay kala ahaayeen Xamarow, Cabdiweyne, iyo ugu dambeyn uu safarkiisa kusoo gabogabeeyay tuulada iligamadoobe.


Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip