Xildhibaan Ismaciil Muxidiin oo lashiray w/arimaha Qaxootiga ee Norway, kana dhiidhiyay dib ucelinta Soomaalida (Warbixin+Sawiro)

0
Wednesday December 07, 2016 - 03:51:56 in Wararka by Central Office. Office
  • Visits: 502
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xildhibaan Ismaciil Muxidiin oo lashiray w/arimaha Qaxootiga ee Norway, kana dhiidhiyay dib ucelinta Soomaalida (Warbixin+Sawiro)

    Xildhibaan Ismail Muxidiin oo kamid ah xildhibaanada Soomaaliyeed ee kujira siyaasada dalka Norway isla markaana ka tirsan xisbiga talada haayo ee dalka Norway ayaa kulan la qaatay xoghayaha guud ee wasaarada isdhaxgalka iyo arimaha qaxootiga dalka N

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xildhibaan Ismail Muxidiin oo kamid ah xildhibaanada Soomaaliyeed ee kujira siyaasada dalka Norway isla markaana ka tirsan xisbiga talada haayo ee dalka Norway ayaa kulan la qaatay xoghayaha guud ee wasaarada isdhaxgalka iyo arimaha qaxootiga dalka Norway.
Kulankaani oo ahaa kii ugu cuslaa oo mas’uul Soomaaliyeed oo si toos ah u hortago madaxda wasaarada arimaha qaxootiga iyo isdhaxgalka tan iyo marki ee soo shaac baxday in dad Soomaaliyeed oo tiradooda lagu qayaasay 1600 dib u eegis lagu sameen doono sharciyada ee kujoogaan dalka Norway.

Kulankaan foolka foolka ah ayaa waxa wasaarada arimaha qaxootiga matalayay xoghayaha guud ee wasaaradaasi isla markaana hore mudo 8 sano usoo noqday duqi magaalada Oslo Fabian Stang.

Fabian Stang oo ah mas’uul rug cadaa ah isla markaana aqoon balaaran uleh bulshada Soomaaliyeed ee kunool dalka Norway isla markaana xiriiro kala gedisan laleh qowmiyadaha kale ayaa ka dhawaajiyay arimo dhowr ah eek amid tahay aragtida ee ka qabto dowladiisa guuxa dadka Soomaaliyeed ee kunool dalka Norway.

Xildhibaan Ismacil oo si aad ah uga damqaday walaaca lasoo derisay qaar badan oo kamid ah Soomaalida Norway ayaa hordhigay aragtida ka siyaasi ahaan uu ka qabo aragtida dowlada Norway ee ka qaadatay xaalada amni iyo siyaasadeed ee dalka Soomaaliya isagoo xildhibaanka soo bandhigay tusaalooyin wax ku ool ah oo dhamaan muujinayo in maanta Soomaaliya eesan ka jirin amaan sal adag oo leesku haleen karo taasi oo ee marqaati ka tahay digniinaha amaan ee dowladaha horumaray had iyo jeer ujeediyaan muwaadiniintooda doonaya iney usafraan gudaha Soomaaliya.

Kulankaani oo ahaa kii ugu horeeyay oo si rasmi ah udhax mara madaxda wasaarada arimaha qaxootiga iyo siyaasi Soomaaliyeed ayaa ugu dambeenti Fabian Stangj oo ah xoghayaha rasmiga ah ee Wasaarada arimaha qaxootiga iyo is dhaxgalka uu cadeeyay in go’aanka dib u eegista sharciyada dadka qaxootiga uu yahay mid baarlamaani ah isla markaana inta badan xisbiyada dalka ee wada saxiixeen hasa yeeshee eesan jirin wax si gaar ah Soomaalida loogu bartilmaameesanayo.

Fabian Stang ayaa dhanka kale cadeeyay iney dowlada dib u eegis kusameen doonto go’aanka dib ucelinta qaxooti meel aan amaan aheen.
Xog hayaha guud ee wasaaraha arimaha Qaxootiga iyo isdhaxgalka dalka Norway Fabian Stang ayaa amaan usoo jeediyay dadka Soomaaliyeed ee kunool dalka Norway isagoo qiray inuu wax badan kayaqanao bulsho ahaan isla markaana uu rajeynayo iney is dajiyaan una kalsoonaadaan xuriyada iyo dimuqraadiyada kajirta dalka Norway ineysan xad gudub shaqsiyadeed iyo mid bulsho loogu geesan doonin.

Xildhibaan Ismaciil ayaa suura galiyay kulankaan dhax maro qaar kamid ah jaaliyada Soomaalida ee kunool magaalada Oslo iyo wasaarada iyadoo sidoo kale kulanka uu qeyb ka ahaa Wariyaha Soomaliyeed ee dalka Norway uga soo warama tv-ga qaranka Soomaaliyeed SNTV, wariye Xasan Rasta.

Wariye Xasan Rasta oo hordhigay mas’uulka su’aalo dhamaan salka kuhayo guuxa dadka Soomaaliyeed ee kunool dalka Norway ayaa waxa kujiray su’aalo xasaasi ah oo siyaasiyiinta iyo shacabka Soomaalidaba si kala aragti ah hore ugu cabirayeen taasi oo la xiriirtay go’aanka dib uqiimeenta sharciyada dadka qaxootiga ah iyo lugta ee kuleeyihiin xisbiyada mucaaradka ah gaar ahaan xisbiga ee sida ba’an had iyo jeer ugu shubta codka Soomaalida iyo guud ahaan qaxootiga ee loo yaqanao xisbiga Shaqaalaha.

«Qodobka dib uqiimeenta arimaha sharciyada qaxootiga ah ee dhawana yimid dalka Norway waa mid baarlamaani ah oo 96% mudanayaasha baarlamaanka ee u codeeyeen ayaa sidoo kale waxa jirto in xisbiyada mucaaradka ee had iyo jeer nagula xisaabtamaan fulinta go’aanadani baarlamaaniga ah».

Kulankaani oo ahaa kii ugu horeeyay oo dhax mara Soomaalida iyo wasaaraha arimaha qaxootiga iyo is dhagalka tan iyo marki ee soo if baxday walaaca xoogan ee lasoo derisay Soomaalida Norway ayaa waxa uu xildhibaaan Ismaaciil balan qaaday inuu garaaci doono albaab walba oo ee kujirto danta dadka Soomaaliyeed ee kunool dalka Norway.

Xildhibaan Ismaaciil Muxidiin ayaa sidoo kale waxa uu kulan gaar ah la qaatay xubno matalayay jaaliyada Soomaaliyeed ee magaalada Oslo oo ah tan ugu balaaran jaaliyadaha Soomaaliyeed ee dalka Norway ayaa waxa uu dhageestay walaaca heesto dadka Soomaalida isagoo xildhibaanka la wadaagay talooyin wax ku ool ah jaaliyada isla markaana uga warbixiyay dadaalka uu ugu jiro ka xildhibaan ahaan wax uqabashada dadka Soomaaliyeed ee la dhiabatoonayo arimaha la xiriiro sharciyada isla markaana uu la qeybsanaayo walaacooda..

Xildhibaan Ismaaciil Muxyadiin ayaa ah mudane Soomaaliyeed ee laga soo doorto magaalada Trondheim ee dalka Norway waana mudane katirsan xisbiga iminka talada haayo ee dalka Norway isagoo saameyn muuqata kudhax leh xisbiga uu katirsan yahay, xildhibaanka ayaa ah shaqsi Soomaalida Norway ee u arkaan mid astaan u ah wax uqabashada jaaliyada Soomaaliyeed.

Jaaliyada Soomaalida ee dalka Norway ayaa uga mahadcelisay xildhibaan Ismaaciil Muxidiin kulankaan muhiimka ah uu usuurageliyay jaaliyada kaasi oo uga dhigan fursad muhiim ah oo xildhibaanka gacanta ugeliyay jaaliyada isagoo sidoo kale codka Soomaalida gaarsiiyay mid si toos ah loo hordhigay wasaarada arimaha qaxootiga iyo isdhaxgalka dalka Norway.
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip