14-jir, Soomaali ah oo Mindi lagu dilay dalka Norway.

0
Wednesday December 07, 2016 - 04:27:35 in Wararka by Central Office. Office
  • Visits: 1371
  • (Rating 1.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    14-jir, Soomaali ah oo Mindi lagu dilay dalka Norway.

    Allaah unaxariiste marxuum Yacquub Cabdulaahi Xasan ayaa ugeeriyooday kadib marki lagu weeraray Mindi isaga iyo haweyney kale oo Norwejiyaan ah kadib fal kadhacay magaalada Kristiansand ee dalka Norway.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Allaah unaxariiste marxuum Yacquub Cabdulaahi Xasan ayaa ugeeriyooday kadib marki lagu weeraray Mindi isaga iyo haweyney kale oo Norwejiyaan ah kadib fal kadhacay magaalada Kristiansand ee dalka Norway.

Wiilkaan Soomaaliga ah ayaa da’diisa lagu sheegay 14 jir ayaa sidoo kale waxa la geeriyootay haweyney Norwejiyan ah oo lagu magacaabo Tone 48 sano jir macalimad ka aheed xarunta xanaanada caruurta.

Booliska oo kiiska gacanta ku haayo ayaa ilaa iyo hada aan gacanta ku dhigin dadki ka dambeeyay dilka labadaan qof hasa yeeshe waxey sheegeen iney heleen macluumaad hordhac ah.

Falkaani oo noqday mid si weyn u hadal hayaan warbaahinta dalka Norway ayaa sidoo kale waxa arintaani saameen xoogan kuyeelatay jaaliyada Soomaalida ee kunool magaalada Kristiansand.

"Aabaha Yaacquub aad buu udamqaday wuuna oynayaa” sidaa waxa yiri Mohamed Dalmar Shirwac oo katirsan Soomaalida kunool dalka Norway oo la hadlay TV2 oo kamid ah TV-yada ugu afka dheer dalka Norway.

Yacquub ayaa kabaxay qoys ka kooban Aabe iyo Hooyo iyo walaalo ka kooban afar qof oo isaga ku ahaan Shan ayaa kudhashay wadanka Norway isagoo dhiganay Fasalka Sagaalaad ee iskuulka asasiga ah ee dalka Norway

Maamulka iyo ardayda iskluulka uu dhigan jiray Yacquub ayaa waxey maanta usameeyeen munaasabad xusuus ah iyadoo maamulka iskuulkana uu balan qaaday iney xanuunka la qeybsanayaan qoyski uu ka baxay Yacquub..

Dhacdadaani ayaa noqtay mid ee aad uga walaaceen Soomaalida kunool dalka Norway hasa yeeshe madaxda gobolka iyo booliska ayaa qoyska Soomaaliyeed ee dhibaatada soo gaartay ka codsaday iney is dajiyaan isla markaana ee dowlada garab taagantahay caawintooda.


Warsheekh- Norway


Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip