Wararkii Ugu Dambeeyay Dagaalkii Ka Dhacay War-maxan

0
Sunday February 12, 2017 - 13:21:23 in Wararka by Xafiiska Muqdisho
  • Visits: 189
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wararkii Ugu Dambeeyay Dagaalkii Ka Dhacay War-maxan

    Dagaal xoogan oo u dhaxeeyay Ciidanka dowlada Soomaaliya iyo Ururka Al Shabaab ayaa waxa uu xalay ka dhacay Deegaano badan oo ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dagaal xoogan oo u dhaxeeyay Ciidanka dowlada Soomaaliya iyo Ururka Al Shabaab ayaa waxa uu xalay ka dhacay Deegaano badan oo ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose.

Dagaalka xalay ka dhacay Deegaano hoose yimaada Gobolka Shabeellaha Hoose gaar ahaan Degmooyinka Wanlaweyn iyo sidoo kale Afgooye ayaa waxaa ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo kala gaaray labada dhinac ee halkaasi ku Dagaalamay.

Degaanada Tixsiile iyo War-maxan ayaa la sheegay in Dagaalyahanada Al Shabaab ay weerar xalay kusoo qaadeen islamarkaana Ciidanka dowlada Soomaaliya ay iska difaaceen.

Gudoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose Ibraahim Cali Aadan Najax ayaa Warbaahinta dowlada u sheegay in ay ku jabiyeen Ururka Al Shabaab dagaal ay xalay kusoo qaadeen Degaanada Tixsiile iyo War-maxan ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in ay iska difaaceen Shabaabkii Weerarka soo qaaday , islamarkaana ay khasaare gaarsiiyeen.

Dhanka kale Al Shabaab ayaa sheegtay in ay dagaal kula wareegeen Degaanada Tixsiile iyo War-maxan , islamarkaana ay khasaare badan ay gaarsiiyeen Ciidanka dowladda Soomaaliya.

Majiro ilo Madaxbanaan oo xaqiijinaya khasaaraha ka dhashay dagaalka xalay ka dhacay Shabeelaha Hoose.







Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip