Milkiilaha Tv-ga Universal Oo Goordhow La Sii Daayay

0
Monday February 20, 2017 - 14:35:33 in Wararka by Xafiiska Muqdisho
  • Visits: 259
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Milkiilaha Tv-ga Universal Oo Goordhow La Sii Daayay

    Wararka aan ka heleyno Magaalada Hargeysa ee xarunta Maamulka Somaliland ayaa waxa ay sheegayan in Ciidanka Amniga ee Somaliland ay goordhow siidaayeen Milkiilaha TV-ga Universal iyo Agaasimaha TV-gaas ee Somaliland oo lagu Magacaabo Maxamed Caabi Di

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka aan ka heleyno Magaalada Hargeysa ee xarunta Maamulka Somaliland ayaa waxa ay sheegayan in Ciidanka Amniga ee Somaliland ay goordhow siidaayeen Milkiilaha TV-ga Universal iyo Agaasimaha TV-gaas ee Somaliland oo lagu Magacaabo Maxamed Caabi Digaale .

Digaale iyo Eng Abuukar ayaa waxaa ay ka yimaadeen Magaalada Jigjiga ee Xarunta dowlad Degaanka Soomaalida Itoobiya.

Labada Mas’uul ayaa shalay Gelinkii dambe lagu xiray Magaalada Hargeysa waxaana ay xalay ku hoydeen Xabsi ku yaalla Hargeysa.

Somaliland kama hadlin xarigga Milkiilaha iyo Agaasimaha TV-ga qeybtiisa Somaliland,waxaana hadda xorriyadooda dib u helay mas’uuliyiinta TV-ga Universal.

Milkiilaha ayaa la sheegayaa in uu Muqdisho ku soo wajahnaa,islamarkaana uu Casuumaad ka helay Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya si uu uga qeyb galo caleema saarka Madaxweyne Farmaajo.

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip