Maamulka Degmada Tiyeeglow Oo Baaq U Diray Madaxweynaha Soomaaliya

0
Saturday February 25, 2017 - 13:16:07 in Wararka by Xafiiska Muqdisho
  • Visits: 188
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maamulka Degmada Tiyeeglow Oo Baaq U Diray Madaxweynaha Soomaaliya

    Gudoomiyaha Degmada Tayeeglow ee Gobolka Bakool Maxamed Cabdulle Xasan Foodcade ayaa ka hadlay xaalada Degmada Tayeeglow oo ay wali gacanta ku hayaan Dagaalyahano ka tirsan Ururka Al Shabaab.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gudoomiyaha Degmada Tayeeglow ee Gobolka Bakool Maxamed Cabdulle Xasan Foodcade ayaa ka hadlay xaalada Degmada Tayeeglow oo ay wali gacanta ku hayaan Dagaalyahano ka tirsan Ururka Al Shabaab.

Maxamed Cabdulle Xasan Foodcade ayaa sheegay in dad badan oo kasoo barakacay Degmada ay soo gaareen Degmada Xudur ee xarunta Gobolka Bakool , halkaasina ay ku haysato dhibaatooyin adag oo dhanka Nolasha ah.

Waxa uu sidoo kale sheegay Gudoomiyaha Demada Tayeeglow ee Gobolka Bakool in 800 boqol oo qoys ay hadda ku sugan yihiin Degmada Xudur , islamarkaana ay Ururka Al Shabaab ay dhibaato ku haayaan dadkii ku haray Degmada Tayeeglow.

Gudoomiyaha Degmada Tayeeglow ee Gobolka Bakool Maxamed Cabdulle Xasan Foodcade ayaa Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ugu baaqay in uu ku taageero sidii Ciidanka dowladda Soomaaliya ay dib ugu qabsan lahaayeen Degmada Tayeeglow ee Gobolka Bakool oo hada ay ku sugan yihiin Dagaalyahano ka tirsan Ururka Al Shabaab.
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip