ICJ Oo Waqti U Qabatay Dowlada Kenya

0
Saturday February 25, 2017 - 15:04:53 in Wararka by Xafiiska Muqdisho
  • Visits: 178
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    ICJ Oo Waqti U Qabatay Dowlada Kenya

    Maxkamadda Caddaaladda Caalamka ee ICJ ayaa sheegtay in dowladda Kenya ay u qabatay Waqti , islamarkaana laga rabo in ay jawaab ay kasoo bixiso dacwad badeed kala dhaxeeya Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxkamadda Caddaaladda Caalamka ee ICJ ayaa sheegtay in dowladda Kenya ay u qabatay Waqti , islamarkaana laga rabo in ay jawaab ay kasoo bixiso dacwad badeed kala dhaxeeya Soomaaliya.

ICJ ayaa sheegtay 18-ka December 2017 laga doonaayo dowladda Kenya in ay ka jawaabto Kiiska Badda ee kala dhaxeeya Soomaaliya ,kasoo Soomaaliya ay gudbisay Sanadkii 2014 tii.

ICJ ayaa sheegtay in ay qaadan doonto go’aan kale hadii aysan Kenya xilligaasi keenin jawaabta laga rabo.

Soomaaliya ay horay ugu guuleystay in dacwadda badda ay qaadi karto Maxkamadda ICJ ka dib markii ay dowladda Kenya ay horistaagtay.

Maxkamadda ayaana labadii Bishaan go’aamisay in ay dacwadda qaadikarto ,islamarkaana labada dal ee muran Badda uu u dhaxeeya ay si toos ah guda gali doono Marka ay dowladda Kenya ay soo jaawaabto.

Dowladda Kenya ayaa laga doonaya in ay iska difaacdo Dacwadda ay kasoo gudbisay Soomaaliya.

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip