Ciidamo Gadoodsan Oo Maanta La Wareegay Xarunta Baarlamaanka Maamulka Puntland

0
Sunday February 26, 2017 - 14:04:11 in Wararka by
  • Visits: 211
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamo Gadoodsan Oo Maanta La Wareegay Xarunta Baarlamaanka Maamulka Puntland

    Wararka hada ka imaanaya Magaalada Garoowe ee Caasimada maamulka Puntland ayaa waxa ay ku waramayan in Ciidamadii maanta la Wareegay Xarunta Baarlamaanka maamulka Puntland ay diidan yihii inay soo baxaan 15 Xildhibaan oo ka Mid ah Xubnaha Gudiga joog

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka hada ka imaanaya Magaalada Garoowe ee Caasimada maamulka Puntland ayaa waxa ay ku waramayan in Ciidamadii maanta la Wareegay Xarunta Baarlamaanka maamulka Puntland ay diidan yihii inay soo baxaan 15 Xildhibaan oo ka Mid ah Xubnaha Gudiga joogtada ah ee Baarlamaanka Puntland oo Xarunta gudaheeda ku jira.

Ciidamada la wareegay xarunta ayaa la sheegay in ay jareen Wadooyinka soo gala xarunta Baarlamaanka maamulka Puntland ee Magaalada Garoowe, waxaa sidoo kale jira rasaas ay kor u ridayaan Ciidamada Gadoodsan.

Sidoo kale waxaa jira Ciidamo kale oo ka tirsan kuwa maamulka Puntland oo la wareegay xarunta Wasaaradda Maaliyadda ee Maamulkaas.

Ciidamada la wareegay Xarunta Baarlamanka Puntland ayaa la sheegay in ay ka cabanayaan musharaad la’aan 7-bilood ah.
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip