Madaxweyne Farmaajo Oo Maanta Muqdisho Ka Furay Shir Xasaasi Ah

0
Tuesday February 28, 2017 - 15:27:50 in Wararka by Xafiiska Muqdisho
  • Visits: 286
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Farmaajo Oo Maanta Muqdisho Ka Furay Shir Xasaasi Ah

    Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo maanta ayaa Magaalada Muqdisho ka furay Shir soconaya hal maalin oo loogu hadlaayo Abaaraha dalka ka jira.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo maanta ayaa Magaalada Muqdisho ka furay Shir soconaya hal maalin oo loogu hadlaayo Abaaraha dalka ka jira.

Shirkaan ayaa waxa uu ka dhacayaa Xarunta Ciidamada Midowga Afrika ee Xalane waxaana ka qeyb galaya dalalka deeq Bixiyaasha Madaxda maamul Goboleedyada Dalka jira iyo Mas’uuliyiin kale.

Shirkan ayaa waxaa looga hadlayaa sida ugu haboon ee gurmad deg deg ah loo gaarsiin lahaa dadka Soomaaliyeed ee Abaaraha halakeeyen.

Maxamed C/llahi Farmaajo Madaxweynaha Soomaaliya ayaa shir guddoominyana Shirkaan waxaana Warbixin la xiriirta xaalada Abaaraha dalka ka taagan laga dhageysan doonaa Maxamed Cumar Carte oo ah Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka.

Waxaa sidoo kalena Warbixin laga dhageysan doonaa Madaxda Guddiga Gurmadka Abaaraha ee heer Qaran.

Shirkaan waxaa horey u Iclaamiyay Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Maxamed C/llahi Farmaajo kadib markii uu kulamo la qaatay Mas’uuliyiinta Sare sare oo Qaramada Midoobay ka socotay.

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip