Dowlada Kenya Oo War Kasoo Saartay Dagaalkii Maanta Ka Dhacay Degmada Afmadow

0
Thursday March 02, 2017 - 22:40:11 in Wararka by Xafiiska Muqdisho
  • Visits: 289
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowlada Kenya Oo War Kasoo Saartay Dagaalkii Maanta Ka Dhacay Degmada Afmadow

    War kasoo baxay dowlada Kenya ayaa lagu sheegay in Ciidamada Kenya howlgal ay ka sameeyeen koonfurta Dalka Soomaaliya ay ku dileen 57 Dagaalyahano iyo Saraakiishooda oo ka tirsanaa Ururka Al Shabaab.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

War kasoo baxay dowlada Kenya ayaa lagu sheegay in Ciidamada Kenya howlgal ay ka sameeyeen koonfurta Dalka Soomaaliya ay ku dileen 57 Dagaalyahano iyo Saraakiishooda oo ka tirsanaa Ururka Al Shabaab.

Howlgalka oo ahaa mid ay fuliyeen Diyaaradaha Kenya ayaa la sheegay in uu ka dhacay Degmada Afmadow oo 100-KM u jirta Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose oo Saldhig ay ku leeyihiin Dagaalyahano ka tirsan Ururka Al Shabaab.

"57-askari oo ka tirsanaa Ciidamada Al Shaabab ayaa lagu dilay weerar ka dhacay Degmada Afmadow lama shaacin karo tirade lagu dhaawacay weerarkaas” ayaa lagu yiri war kasoo baxay Taliska Difaaca Kenya.

Arintaan ayaa kusoo beegmaysa xili Diyaaradaha dowladda Kenya ay duqeyn ka fuliyeen Deegaano ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose oo Ururka Al Shabaab ay ku xoogan yihiin balse ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Dagaalyahanada Al Shabaab.

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip