Gaari Walxaha Qarxa Siday Oo Lagu Qabtay Duleedka Gaalkacyo

0
Friday March 03, 2017 - 09:13:39 in Wararka by Xafiiska Muqdisho
  • Visits: 238
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gaari Walxaha Qarxa Siday Oo Lagu Qabtay Duleedka Gaalkacyo

    Maamulka Puntland ayaa war kasoo saaray Gaari walxaha Qarxa siday oo lagu qabtay Duleedka Magaalada Gaalkacyo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maamulka Puntland ayaa war kasoo saaray Gaari walxaha Qarxa siday oo lagu qabtay Duleedka Magaalada Gaalkacyo.

Taliska Ciidamada ammaanka maamulka Puntland ayaa sheegay in Gaariga ay soo qabteen oo nuuciisu yahay midka ay Soomaalida u taqaano Candha-meedlaha, isagoo isaga kala gooshi jiray Magaalooyinka Boosaaso iyo Baledweyne, sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka.

Taliska Ciidamada ammaanka ee Puntland ayaa waxa ay sidoo kale sheegeen baaris kadib in la ogaaday in Gaarigaasi waday Walxaha Qarxa la doonayay in lagu Qarxiyo shacabka Puntland.

Dhanka kale Saraakiisha ammaanka maamulka Puntland ayaa waxa ay ka hadleyn Howlgallo laga sameeyay Deegaanada Camaara iyo Bacad-weyn ee Koonfurta Gobolka Mudug, waxayna sheegeen in ay ku bur buriyeen saldhig halkaasi ay ku lahaayeen Dagaalyahano ka tirsan Ururka Al Shabaab.

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip