Francisco Madeira Oo Sheegay Inuu Kalsooni Buuxda Ku Qabo Ra'iisul Wasaare Khayre

0
Friday March 03, 2017 - 10:14:28 in Wararka by Xafiiska Muqdisho
  • Visits: 217
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Francisco Madeira Oo Sheegay Inuu Kalsooni Buuxda Ku Qabo Ra'iisul Wasaare Khayre

    War qoraal ah oo ka soo baxay Wakiilka gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya, Ninka lagu magacaabo Francisco Madeira ayaa sheegay in uu si dhow ula shaqeyn doono Ra'iisul Wasaaraha cusub ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo s

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

War qoraal ah oo ka soo baxay Wakiilka gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya, Ninka lagu magacaabo Francisco Madeira ayaa sheegay in uu si dhow ula shaqeyn doono Ra'iisul Wasaaraha cusub ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo shalay xilka si Rasmi ah kala wareegay Ra'iisul Wasaarihii hore Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake.

Waxa uu sheegay in uu kalsooni buuxda ku qabo Ra’iisul Wasaare Khayre sidaasi darteedna ay uga faa’ideysan doonaan sidii loo xoojin lahaa Dagaalka ka dhanka ah Ururka Al Shabaab iyo guud ahaan sidii dalka Soomaaliya looga saari lahaa Dagaalyahanada Al Shabaab sida uu hadalka udhigay.

Asiga oo sii hadlayay Francisco Madeira Wakiilka gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya ayaa balan qaaday in ay xoojinayaan howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM, si loo soo gunaanado Dagaalka waqtiga badan qaatay ee ay kula jiraan Ururka Al Shabaab.

Si kastaba ha ahaatee dowlada uu hogaamiyo Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa taageero ka heysata guud ahaan bulshada Soomaliyeed iyo dowladaha qaar ee xiriirka dhow la leh Soomaaliya.

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip