MADAXWEYNIHI HORE AYAA KUN {1000} JEER KA ILBAXSAN RA'IISUL WASAARAHA IMINKA JOOGO.

0
Saturday April 22, 2017 - 01:36:14 in Wararka by Central Office. Office
  • Visits: 441
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    MADAXWEYNIHI HORE AYAA KUN {1000} JEER KA ILBAXSAN RA'IISUL WASAARAHA IMINKA JOOGO.

    Ilbaxnimo, xeelad iyo waayo aragnimo ayaa la isku dhaafey, taageerayaal daacad u ah ayay madax walba leedahay, kumaanaan dad ah ayaa isugu soo baxa soo dhaweynta hogaamiyaashooda, si isku mid ah looma jecla masuulyiinta Soomaaliyeed, si aan la qiyaas

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ilbaxnimo, xeelad iyo waayo aragnimo ayaa la isku dhaafey, taageerayaal daacad u ah ayay madax walba leedahay, kumaanaan dad ah ayaa isugu soo baxa soo dhaweynta hogaamiyaashooda, si isku mid ah looma jecla masuulyiinta Soomaaliyeed, si aan la qiyaasi Karin ayaa madaxda qaarkood loo xiiseeyaa.

Madaxweynihi hore ee Soomaaliya Xasan Sheikh ayaa la rumeysan yahay inuu saaxiib dhaw la ahaa bulshadiisa, goobaha uu booqanayo waxaa isugu imaan jirey kumanaan shacbi ah, kuwaasi oo u hamuun qabey aragtidiisa, dhoola cadeyntiisa iyo hadaladiisa, mar uu booqanayay xeebta Liido waxa uu kula kulmay kumanaan dad ah oo ku faraxsanaa mar uun inay Madaxweynahaasi fagaare ku arkaan.

Sannad iyo dhawr bilood kadib waxaa isla goobtaasi booqdey Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, la yaab waxaa laheyd halkii uu istaagey Madaxweynihii hore inuu isna istaagey balse ma uusan helin taageerayaal la mid ah kuwii Xasan Sheikh u soo banaan baxey, soo dhaweyn la’aan iyo waji gabax ayuu goobtaasi kala kulmay, farsamo xumo ayaa lagu macneeyay inay arintaasi ka dhalatey.

Abaabul ayaa laga sii sameyn jirey goobaha uu booqanayo Xasan Sheikh, ilbaxnimadii uu ku ku shaqeyn jirey Madaxweynihii hore ma laha Ra’iisul wasaare Kheyre, arintaasi waxaa cadeyn u ah markii uu doraad booqanayay Xeebta Liido kaligiis ayaa soo istaagey dabaqa laga daawado xeebtaasi ee Beach View, nasiib daro ma uusan helin tagaeerayaal halkaasi ku soo dhaweeya sida Xasan Sheikh horey halkaasi loogu marxabaysiiyay.

Kheyre waa Junior soo koraya, xeelad la’aan ayaa haysa, cashar waxa ugu filan guul daradii uu kala soo hoydey xeebta Liido oo uu ku cidloobay, dad ma wada sinaan karo, adduun waa isdaba maal, wanaaga iyo ilbaxnimada waa la isaga daydaa, sidaasi daraadeed Kheyre waxaa la gudboon inuu soo Copy-yeysto {minguuriyo} ilbaxnimada odaygii Dalkaan Madaxweynaha ka soo noqdey si aanu ceeb dambe ugu dhicin una helo taageerayaal badan.

W-D: Wariye Shiiqaalow
 
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip