Jaarka fiicani waxa uu ka qiimo badan yahay Inadeerka wanaagsan.W/Q: Khadar Ibrahim Aar.

0
Wednesday August 09, 2017 - 14:33:50 in Wararka by Central Office. Office
  • Visits: 75
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Jaarka fiicani waxa uu ka qiimo badan yahay Inadeerka wanaagsan.W/Q: Khadar Ibrahim Aar.

    Jaarku waa jiraanka iyo hadba cidda aad daris tihiin ,sida ay Diinteena suubani inoo sheegtayna Guriba guriga uu kaaga dhawyahay ayuu kaaga sii xaq mudan yahay.Qabiilkuna waa wax isu ahaanshaha iyo ehel nimada dadka aad nasabka wadaagtaan, haday taha

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Jaarku waa jiraanka iyo hadba cidda aad daris tihiin ,sida ay Diinteena suubani inoo sheegtayna Guriba guriga uu kaaga dhawyahay ayuu kaaga sii xaq mudan yahay.Qabiilkuna waa wax isu ahaanshaha iyo ehel nimada dadka aad nasabka wadaagtaan, haday tahay dhanka Aabaha iyo hadii ay tahay dhanka Hooyada.

Mawduucan aan ugu magac daray Jaarkaaga iyo Qabiilkaaga iyamaa xaq badan ,waa mawduuc aad u balaadhan oo ay u bahan tahay in dhinacyo aad u farabadan laga eego,balse waxa aan jeclahay in aan si kooban wax uga idhaahdo.

Hadii aynu labadan eray ee kala ah Jaarka iyo qabiilka ,aynu midba goonidiisa si kooban wax uga nidhaahno ,iyada oo aynu ku dadaalayno in aynu soo koobno,ayaa midkastaba waxa uu yeelanayaa xuquuq iyo xaq gooniya,balse hadana waxa kuu muuqanaysa in ay kala baaxad wayn yihiin.

Haddii aad u fiirsato sida ay nolosha bini'aadmiga ugu kala raadleeyihiin Jaarka iyo Qabiilku, ,waxa markaaba kuu soo baxaysa in Jaarku uu yahay midka kaliya ee nolosha dhinacwalka kaalin wax ku ool ah ku leh,balse Qabiilku uu yahay mid ay kooban tahay qaybta kaga aadan nolosha bini'aadmiga.

Hadii aan qoraal kooban ku soo bandhigo ,waxyaabaha ay ku kala duwan yihiin ,dadka aad isku qabiilka tihiin ee aad abtirsiinta wadaagtaan iyo kuwa aad jaarka iyo jiraanka tihiin, waxaa laga yaaba in dadka qaar ay qalad u fahmaan,iyaga oo markaasi fikirka ay haystaan uu yahay mid iyaga markaasi la quman.

Waa maxay Jaar,yaadse Jaar iyo Jiraan aad tihiin?

Sideedaba waxyabaha uu Bini'aadmigu inti-faacsado waxaa loo qaybiyaa laba shay ,kuwaasi oo kala ah ,Hinti Guurto ah iyo hanti ma'guurto ah,hantida ma guurtada ahi waa sida Guryaha,Beeraha,Ceelasha iwm ,handida guurtada ahina waxa ay tahay,Babuurta,xoolaha,Doonyaha ama Maraakiibta iwm.

Labadan arimood ee aynu soo sheegnay midkastaaba waxa uu yeelanayaa Jaar iyo jiiraan gooniya,balse waxa ay ku kala duwan yihiin hantida Ma-guurtada ahi waxa ay leedahay jaar abadiya ama jaar waligaa kula yaalaaya,halka ay hantida Guurtada ahi ay leedahay Jaar iyo jiraan wakhti go'an ku dhisan.

Tusaale ahaan:haddii maanta guri daar ah ama dhagax ah sida ay Somalidu u taqaano,aad meel ka dhisato,guriga kale ee markaasi kugu xiga cidda markaasu Mulkigiisa iska leh ee ku jirtaa waa Jaarkaaga abadiga ah.

Hadiise Baabuur aad leedahay waxaa la hubaa baabuurkaasi in ay dhici karta in uu habeenba meel gooniya uu u haydo,waayo waa hanti guurto ah ama waa afar-lugoodle socanaaya,taas awadeed Jaarnimadiisu markasta waxa uu ku xidhan yahay hadba wakhtiga uu meeshaasi yaalo ama uu ku nagaadiga yahay.

Jaar macnahiisa guud waxa uu noqonayaa,cidmaarkaasi kuu dhaw oo aanay jirin wax kaa xiga dhinaca wada deganashada nolosha sida,Guri,Dhul,Beer iwm,intaasi oo dhami waxa ay noqonaysaa jaarkaaga iyada oo midkastaaba uu kaaga xaq iyo xuquuq badan yahay kan kaa fog.

Jaarku waa qofka kuugu dhaw ee kula yaala dhulka aad taalo ee uu Guriga,Beerta iwm kaaga dhisan yahay ,jaarku waa dadka kaliya ee kaa warhaya ,xaalada aad markasta aad ku sugan tahay,haday tahay mid farxadleh iyo hadii ay tahay mid markaasi murugo leh.

Jaarku waa cida kaliya ee kuugu dhaw in aad wax kala qadataan,wax isa sisaan,wax aad kala daynsataan maalinkasta,jaarku waxa uu leeyahay wax aanu lahayn qabiilku,hadaad u fiirsato ,labada guri ee jaarka ah ,waxa isyaqaana dadkooda waawayn iyo kuwooda yaryar,xataa waxaa dhici karta in ay isyaqanaan xayawaanka ay markaasi haystaan,sida Xoolaha,bisadaha iyo digaaga.

Qoyska ama reerka aad jaarnimo kusoo ahaydeen yaraantii waligaa ma ilawdid,maskaxdaadana kama baxo,jaarku waxa uu yahay cidda kaliya ee aad isku duruufta aad tihiin sida,hadii xafada aad degan tahay dhib ka jirto,guriga jaarkaagu waa uu kula qabaa.

Jaarka waxa aad tihiin isku baahi,hadii maanta biyahu ay gurigaga ka maqan yihiin waxa hubaala in guriga jaarkaaguna aanu biyo lahayn,waxkasta oo nolosha adanaha ka mida jaarku waa ay wadagaan,xaataa waxa aad wadaagtaan Hawada iyo Roobka Ilahay Samadiisa ka keeno.

Hadii maanta xafada aad degan tahay cudur ka dilaaco ogsoonow jaarkaaguna ka badbaadi maayo oo waa uu kula qabaa,cudur iyo cafimaadba jaarka waad qaybsataan,caruurta guryahoodu ay jaarka yihiin,waa meesha ay kasoo bilaaban to saxiibtinimadu,way adag tahay in wiilku ama gabadhu ay la saxiibto xiliga yaraanta cid ka fog guriga ay ku jiraan.

Jaarku waxyabaha uu nolosha wadaaga maahan mid aan halkan kusoo koobi karo,ogsoonow guriba guriga uu kaaga dhaw yahay dhinaca masaafada,waa uu kaaga xaq badan yahay,sababtuna wax kale maha waa inta uu warhayntada uga dhaw yahay guriga kale ee kaa fog;magalaba magalada ay kaaga dhawdahay waa ay kaaga xaq dhawdahay.

Maxaa keenay in dadka jaarka ahi ay isku nafkaliya ay noqdaan?

Jawaabta oo koobani waxa ay noqonaysaa,duruufta iyo dantiina oo isku xidhan,waaxaaba dhici karta in walaalkaa oo deegaan ku ah meel adiga kaa durugsan ,in aanu kula dan iyo damqasho ahayn.

Guriga aad jaarka tihiin dadka ku nooli maalintii imisa jeer ayay kusoo waregaan,adiguse maalintii imisa jeer ayaad u wareegtaa,ama aad soo booqataa, adiga oo xaalado kala duwan u booqanaya gurugasi jaarkaaga ah .

Wadamadan Yurub iwm malaha wax layidhaa Inadeer amma Qabiil ,sidoo kalana malaha wax layidhaa Jaar,waa ay jirtaa oo guryahu waa ay isku wada dhagan yihiin,balse dadka ku nool kama dhaxayso xuquuqdii jarnimadu,waxa dhici karta labada reer ee jaarka ahi ay kulmaan oo kaliya marka ay albaabada guryaha ka galayaan ,xataa markaasi inta ay isu yimadaan isma gacan qadaan,balse gacmaha ayuunbay isu tagaan kadibna Oky oky ayuunbaa lagu kala tagaa.

Nabigu csw isaga oo ka hadlaaya xaqqa uu jaarku isku leeyahay waynidiisa ayaa waxa uu yidhi.

Ibn Cumar iyo Caa’isha (RC) waxay yidhaahdeen: Nebigu(scw) wuxuu yidhi: "Malakul Jibriil wuxuu mar waliba aad igala dardaarmayey xuquuqda Jaarka, wayna ku weynayd ilaa aan is idhi waxa lagu darayaa inay is dhaxlaan ". (Bukhaari iyo Muslim)

Abuu Darr (Rc) wuxuu yidhi: Rasuulka Allah (scw) wuxuu yidhi: "AbuuDaroow markaad diyaariso maraqa waxoogay biyo ah ku kordhi, oo eeg hadday dariskaagu wax uga baahan yihiin". (Muslim)

Abuu Hurayrah (Rc) wuxuu yidhi: Nebigu (scw) wuxuu yidhi: "Allah (sw) ayaan ku dhaarane, iimaankiisu ma dhamaystirin, iimaankiisu ma dhamaystirin, iimaankiisu ma buusamin ". Waxaa lagu yidhi: Rasuul Alloow waa kuma? Wuxuu yidhi: "Waa qofkii jaarkiisa aan ka nabad gelin dhibtiisa iyo sharkiisa ". (Bukhaariiyo Muslim)

Werinta Muslim waxay leedahay: "Kaasi ma geli doono Jannada aan jaarkiisu ka nabad gelin dhibtiisa iyo sharkiisa.

Abuu Hurayrah (Rc) wuxuu yidhi: "Nebigu (scw) wuxuu yidhi: "Haweenka muslimka ahoow! yay midkiin jaarkeeda hoos u eegin (xaqirin) oo u arag wax liita xitaa hadday kuugu keento hadyad qoob Riyaad (ka qaado una mahad celi)". (Bukhaari iyo Muslim).

Waxa aynu xadiista Rasuulka scw ka fahmaynaa sida loo wayneeyay waajibaadka iyo walaalnimada uu jaarku isku leeyahay,guriga jaarku waa gurigaga labaad ee ka warhaya duruuftaada iyo kolba wixii noloshaada kusoo biira.

Qabiilka.

Qabiilku waa dadka aad isku abtirsiinta leedihiin oo kaliya, ma jirto wax kale oo dheeraada oo dadkaasi isu kiin hayaa aan ahayn in aad hal nasab wada ledihiin,hal odayna aad kasoo wada tafiiran teen.

Qabiilku dhinaca diinta iyo dhinaca dadnimadaba waxaa jira xuquuq iyo xaq uu leeyahay,taas oo mida ugu badani ay tahay in la isku dhaxlo,balse ma la socotaa in uu dhaxalkaaga qaadan karo mid noloshaada oo dhan aanad markaliya aanad arag,xataa waxaa qaadan kara dhaxalkaaga ,mid qabiilka aad adigu aad tahay aan ahayn ee aad Somali Maxamed iskutihiin.

Qabiilku maaha wax sidaasi usii cilmi badan,isku qabiil ayaynu nahayna wax munafacaada oo la sheego ma ka helaysid hadii aad usii fiirsato,waa ay jiraan dad dhinaca qabiilka ama xasabada isku xidhiidhiya,balse waxa ayniga ila tahay in ay ka xoog badan tahay cida ama qofka aad markaasi bulshada iska fahamtaan.

Anigu kama hadlaayo in dhamaan qabiilku uu yahay wax shalfis ah oo aan loo baahnayn,qalad ha ka fahmin saxiib qoraalkayga,balse waxa aan ka hadlayaa qabiilku asal ahaan nolosha kaalinta uu ku leeyahay,gar ahaan tan iminka.

Wakhtiyadii hore ee ay Soomalidu reer baadiyaha ahayd,waxaa hubaala in qabiilku uu u shaqayn jiray qaab ka gadisan kan maanta uu u shaqeeyo,waxaa dhici karaysay in wakhtigaasi qofka noloshiisa oo dhami ay ku xidhnayd kuna tiirsanayd qabiilka iyo qolada uu kasoo jeedo,la'aanteedna aanu nolaan karaynin.

Dunidan aynu maanta joogko waxaa shaqeeya aqoonta iyo ilbaxnimada,waana mida kaliya ee Qabiil iyo qolaba aad kaga maarmi karto.

Ma dhici kartaa,suura galna ma tahay,in qof aan qabiilkaaga ahayni uu kaaga waxtar iyo munaafacaad batto qof aad qabiil iyo qolo wadaagtaan ?haaaaaa,anigu sidaas ayaan isleeyahay,waxaana laga yabaa in dad badani ay fikirkan ila qabaan,qaarkoodna aanay ila qabil.

Dadka qaar waxa dhici karta in ay fikradan layabaan,oo ay isyidhaadaan sidee ayuu nin qabiilkaaga ah "Inadeeeeeeerkaa" uu kaaga munafacaad badan karaa nin *qalaaaaaaaad,oo aan qabiilkaaga ahayn.

Balse aan meel aad u dhaw wax kaa tuso,adiguna ila eeg in ay suura gal tahay iyo inkale; inta aadan Budka ii qaatan,isdaji caqliga iyo garaadkana isticmaan,caadifada iyo qabiilkana waxyar oo aan badnayn inoo yar dhig,hadaad doonto hadhawba aad qaadatide.

Haddii aan maanta deegaan ku ahay magalada Hargaysa ,balse aniga kan dad iigu xigaa ee ila qabiilka ahi uu ku dhaqan yahay magalada Ceerigaabo,hubaal waxaa ah in aanu kala duruuf nahay,waxaaba dhici karta in uu isagu ku nool yahay xaalad markaasi aan fiicnayn,aniga iyo dadka aanu Jaarka nahayna aanu ku nool nahay mid taasi ka gadisan.

Ma-ogtahay in qabiilku uu leeyahay dhibaatoyin aad u farabadan,ugama jeedo qabiilka ayaa asal ahaan dhibtan u wa'ta,balse waa dhibaato iyo sharci aynu isagu isku-jidaynay ,taasi oo ah ,waxa aynu u naqaano waxa loo yaqano Aanada inadeerka,hadaan si kale u idhaahdo ,waxa laga yaabaa in qof aad isku qabiil tihiin hasayeshee aydaan aqoon isu lahayn,in aanadiisa laguu dilo.

Ma-lasocotaa in aan saxiibka saxiibka loo dilin,masa og tahay in aan Jaarka jaarka aano loogu dilin,mana jirto wax layidha aano saxiib iyo Aano Jaar.

Ma gafsani mana ilawsani in nin inadeerkaa ahi uu noqon karo saxiibkaa laxmiya oo nolosha kula qaybsada, ,balse ha ilaabin shayga ugu muhiimsan ee isku kiin hayaa qofkaasi maaha inadeerka ee waa saxiibka iyo isfahamka.

Mana ahi nin ilawsan in qabiilku uu leeyahay wax wanaagsan,sida igshooranka magta,dhaxalka iwm,intasi oo kaliya maaha waxyaabo badan ayuu leeyahay balse waa hadii loo isticmaalo sidii sharciga ahayd.

Runtii dad badan oo aan ka mid ahay waxa ay aamin sanyihiin ,in Jaarkaaga fiicani uu ka qiimo badan yahay Inadeerkaaga wanaagsan .

Ha ilaabin Nabi Muxamaed csw waxa uu saxiib dhaw la ahaa,Abi-bakar sadiiq,kaasi oo lasoo galay halgankii dheeraa ee Diinteena Islamka loo soo maray,Abibakar waxa uu ahaa ninkii kaliya ee Ilahay u qiray saxiibtinimada Nabu Muxumad csw.

Dadku siday qibiilka isugu yihiin,maaha sida saxa aynu u malaynayno ,ee dadku waxa ay wax isugu yihiin,is xaal ogaanta iyo isfahamka dheeraadka ah,qofka ku xaal og ayaa xigaalkaaga ah,balse inadeerkaa waa inadeerkaa Ilahay ayaana ka dhigay.

Hadii qabiilka loo adeegsan lahaa sidii Ilahay uu usoo dajiyay,waxaa hubaala waxba may xumadeen,balse aniga waxaa aad iigala muhiimsan Jaarnimada,Somalina waxa aan kula talin lahaa midkasta xaqiisa siiya.

W/Q.Khadar Aar.

Iftiinkacusub.com
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip