Xili kasta oo halis (threat), ama abaabul dagaal jiro waxaad maqlaysaa qabiilka kiisa kore, hadiise dan iyo maslaxad (interest), yimaado waxaad maqlaysaa jufooyinka hoose ee qabiilka.

0
Wednesday August 09, 2017 - 04:33:50 in Wararka by Central Office. Office
  • Visits: 200
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xili kasta oo halis (threat), ama abaabul dagaal jiro waxaad maqlaysaa qabiilka kiisa kore, hadiise dan iyo maslaxad (interest), yimaado waxaad maqlaysaa jufooyinka hoose ee qabiilka.

    Professor Maraykan ah oo wax ka qoray Soomaaliya ayaa buugiisa ku sheegay arrin uu ka fahmay sida ay Soomaalidu qabiilka ugu dhaqanto. Wuxuu yiri, dabayaaqadii sideetankii ayaan cilmi baaris ka bilaabay Afmadow. Dhor bilood markii aan joogay oo aan i

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Professor Maraykan ah oo wax ka qoray Soomaaliya ayaa buugiisa ku sheegay arrin uu ka fahmay sida ay Soomaalidu qabiilka ugu dhaqanto. Wuxuu yiri, dabayaaqadii sideetankii ayaan cilmi baaris ka bilaabay Afmadow. Dhor bilood markii aan joogay oo aan is leeyahay si fiican baad qabiiladii deegaanka iyo jufooyinkooda hoose u kala bartay ayaan subax maqlay qabiil cusub oo "Absame" la yiraa.

Waxaan iri bal u kaadiya Absame waa ayo?? Waxaa la ii fasiray Absame in uusan qabiiladii iyo jufooyinkii hoose aan maqli jiray ahayn ee Ogaadeen iyo niman la dhashay Absame la isku yiraa. Waxaan is waydiiyey ayuu yiri sababta aan intaasoo bilood Absame u maqli waayey oo aan haatan u maqlay.
Horay Waxaan u maqli jirey Cawlyahan, Maxamad Subeer, Muqaabil, laakiin Absame waxaan maalintaas u maqlay xaaladda markaas soo korortay darteed. Baaritaan ka dib waxaa ii soo baxday buu yiri in saamaynta qabiilka ay ku xiran tahay xaalada xiligaas taagan.

Xili kasta oo halis (threat), ama abaabul dagaal jiro waxaad maqlaysaa qabiilka kiisa kore, hadiise dan iyo maslaxad (interest), yimaado waxaad maqlaysaa jufooyinka hoose ee qabiilka.
Waa u kuurgalid wax badan ka jiraan.
Somalia: Economy without State
Professor Peter D. Little

W/T. Abdirahman Abdishakuur

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip