Wararki ugu dambeeyay ee heshiisiinti Beelaha Celi Cumar iyo Cabdalle Caroone (warbixin)

0
Saturday August 12, 2017 - 03:34:29 in Wararka by Central Office. Office
  • Visits: 849
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wararki ugu dambeeyay ee heshiisiinti Beelaha Celi Cumar iyo Cabdalle Caroone (warbixin)

    Shirweynihii lagu dhex-dhexaadinayay beelihi ku diriray deegaano hoos taga Degmada Cadale ayaa haatan galaya waji cusub oo la doonayo in lagu soo af jaro colaada Bilihi la soo dhaafay ka taagneyd Tuulooyin ka tirsan G/Sh/Dhexe.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shirweynihii lagu dhex-dhexaadinayay beelihi ku diriray deegaano hoos taga Degmada Cadale ayaa haatan galaya waji cusub oo la doonayo in lagu soo af jaro colaada Bilihi la soo dhaafay ka taagneyd Tuulooyin ka tirsan G/Sh/Dhexe.

Madax dhaqameed caan ah oo ka mid ah Duubabka iyo odoyaasha dhaqanka beesha Abgaal Cismaan ayaa lagu wadaa in si rasmi ah loogu wareejiyo nabadeyntaasi, Madaxda Dawlad Goboleedka Hir- shabelle oo gar-wadeen ka soo ahaa waan-waantaasi ayaa la filayaa berrito inay odoyaashaasi ku wareejiyaan dhex dhexaadinta beelihii isaga hor yimid Degmada Cadale.

Shirweynaha nabadeed ee beelaha Celli Cumar iyo Cabdalla oo soo bilowday 31-kii July 2017 ayaa soo gaarey xilligii ay beelahaasi si fool ka fool ah u wadahadli lahaayeen, wajigaan cusub oo wadahadaladu ay galayaan ayaa waxaa hogamin doono madax dhaqameed ka socda beesha Abgaal.

Nabadoonada dhex-dhexaadinaya beelahaasi ayaa maanta illaa shallay waxay kulamo kala gooni-gooni ah la kala yeelanyeen wallaalaha la nabadeynaayo, xubno ka mid ah nabadoonadaasi ayaa laga soo xigtay inay Jowhar ka soo tagi doonin ilaa ay ka heshiisiiyaan Celli iyo Cabdalla.

Siyaasiyiinta, waxgaradka, aqoonyahanada, culumaa’udiinka, haweenka iyo dhalllinyarada beesha Muddulood ayaa rajaynaya in lagu guuleysan doono waan-waantaasi ka socoto Magaalada Jowhar.
Shiiqaalow.
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip