Warar kusoo kordhay wada hadaladi Beelaha Cabdalle iyo Celi

0
Tuesday August 15, 2017 - 15:59:19 in Wararka by Central Office. Office
  • Visits: 463
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Warar kusoo kordhay wada hadaladi Beelaha Cabdalle iyo Celi

    Shirweynihii nabadeed ee ka socday Magaalada Jawhar ee G/Sh/Dhexe una dhaxeeyay beelaha Celli Cumar iyo Cabdalla ayaa maanta waxaa looga dhawaaqay Xabad Joojin u dhaxeysa beelahaasi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shirweynihii nabadeed ee ka socday Magaalada Jawhar ee G/Sh/Dhexe una dhaxeeyay beelaha Celli Cumar iyo Cabdalla ayaa maanta waxaa looga dhawaaqay Xabad Joojin u dhaxeysa beelahaasi.

Wasiirka Arimaha Gudaha Dawlad Goboleedka Hirshablee Maxamed Cali Caadle iyo Shir Gudoonkii Shirweynahaasi oo ka socday dhaqanka beesha Abgaal Cismaan ayaa si wadajir ah Magaalada Jowhar ugu qabtay Shir Jaraa’id oo ay ku faah-faahinayeen horumarka uu sameeyay Shirweynahaasi.
Madaxdaasi ayaa daboolka ka qaaday in beelihii ku dagaalamay Tuulooyin hoos taga Degmada Cadale inay ku heshiiyeen qoddobada soo socda:-
1- Laga bilaabo 14/8/2017 in Xabad joojin laga dhaqan galiyo deegaanadii ay ku dagaalameen beelaha wada dhashay ee Celli iyo Cabdala.
2-In la kala qaado ciidamada isaga soo horjeeda Tuulooyinkii uu dagaalka ka dhacay.
3-In la magacaabo Guddi farsamo oo ka socda labadda dhinac iyo Shir Gudoonkii Shirweynahaasi.
4-In Guddiga farsamada uu u hawlgalo sidii loo meel marin lahaa Xabad Joojinta la gaaray iyo qaabka loo kala qaadayo ciidamada is hor fadhiya.
.
Qoddobadaasi lagu heshiiyay ayaa si wadajir ah waxaa u saxiixay Madax dhaqameedkii kala hogaaminayay beelaha la heshiisiinayo, Maamulka Hir-shabelle iyo odoyaashii dhaqanka beesha Abgaal ee Shir Gudoominayay Shirweynahaasi.

Ka hor inta aan maanta lagu dhawaaqin Xabadda Joojinta la gaaray ayaa labbada beelood waxay ku wareejiyeen Shir Gudoonka Shirweynahaasi Documentiyo ay beel walba ku soo bandhigayso arimaheeda, beesha Celli Cumar ayaa halkaasi ku wareejisay Documentiyo soo baxay 1999-kii, kaasi oo ay ku cad yihiin sida deegaanka loo kala degan yahay, dhinaca kale beesha Cabdalla ayaa iyaduna gudbisay Documentiyo ay kaga hadlaysay arimihii ay colaadu ka bilaabatey.

Madaxeyne ku xigeenaka Hirshabelle Cali C/laahi Xuseen {Guudlaawe} oo goob-joog ka ahaa fadhigii Xabad Joojintaasi lagu gaarey ayaa sheegay inuu si kalgacal leh u soo dhaweeynayo heshiiskaasi la gaaray, waxuuna halkaasi ugu hambalyeeyay odayaasha labbada dhinac ee ogolaaday Xabad Joojinta lagu dhawaaqay, isagoo intaasi ku darey in Maamulkoodu ay ka go’an tahay sidii loo soo af jari lahaa colaada Degmada Cadale

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip