Labo Wiilal oo walaalo ahaa oo xalay lagu dilay degmada Dherkeenley ee gobolka Banaadir

0
Wednesday August 22, 2018 - 14:31:20 in Wararka by Central Office. Office
  • Visits: 175
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Labo Wiilal oo walaalo ahaa oo xalay lagu dilay degmada Dherkeenley ee gobolka Banaadir

    Wararka naga soo gaaraya degmada Dherkeenley ee gobolka Banaadir ayaa sheegaya in kooxo hubeysan xalay ku dileen degmada labo wiil oo sida la sheegay walaalo ahaa.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka naga soo gaaraya degmada Dherkeenley ee gobolka Banaadir ayaa sheegaya in kooxo hubeysan xalay ku dileen degmada labo wiil oo sida la sheegay walaalo ahaa.

Dilkan ayaa gaar ahaan ka dhacay intaa u dhaxeysa xaafadda Xoosh iyo Ex-kootarool Afgooye, waxaana mid ka mid ah dhalinyaradan la dilay lagu sheegay in uu ahaa askari ka tirsanaa ciidamada dowladda Soomaaliya.

Lama oga sababta loo dilay, hasse ahaatee toogashada kaddib waxaa goobta tagay ciidamo ka tirsan dowladda oo bilaabay baaritaanno la xiriira dilka.

Dilka dhalinyaradan ah ayaa imanaya xili sidoo kale maalintii shalay Isgoyska Bakaaraha lagu toogtay labo wiil oo dhalinyaro ah oo kuwaa oo markii danbe meydkooda ay goobta ka qaadeen ciidamo ka tirsaan dowladda Soomaaliya.

Wali ma jiro wax war ah oo laamaha amniga ay ka soo saareen dilalkan ugu danbeeyay ee ka dhacay magaalada Muqdisho.

 Hiiraan Online

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip