Isbahaysiga saddex geesoodka ah ee Geeska Afrika iyo Gacanka Carabta ee ay Soomaaliya ka maqantahay

0
Monday July 23, 2018 - 14:31:20 in Wararka by Central Office. Office
  • Visits: 143
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Isbahaysiga saddex geesoodka ah ee Geeska Afrika iyo Gacanka Carabta ee ay Soomaaliya ka maqantahay

    Baraha bulshada iyo warbaahinta madaxa banaan ee Soomaalida waxay tan iyo 24kii Luulyo hadal hayeen kulankii Abu Dhabi ku dhex maray hogaamiyeyaasha Itoobiya iyo Eritrea, iyo dalka ay martida u ahaayeen ee Iimaaraadka carabta.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Baraha bulshada iyo warbaahinta madaxa banaan ee Soomaalida waxay tan iyo 24kii Luulyo hadal hayeen kulankii Abu Dhabi ku dhex maray hogaamiyeyaasha Itoobiya iyo Eritrea, iyo dalka ay martida u ahaayeen ee Iimaaraadka carabta.

Ka sokow sawirrada la isla dhex marayey ee Abiy Axmed, Isaias Afwerki iyo dhaxal sugaha Abudhabi, Sheekh Maxamed Bin Zayed Aala Nahyan, waxaa la isweydiinayey su'aalo jawaabahooda hadba gees loo qaadayey.

Wasaaradda Arrimaha dibadda ee Itoobiya waxay soo saartay hadal qoraal ah oo ay ku sheegtay inuu soo baxay ka dib kulankii madaxdaas.

Hadalkaas oo Af Ingiriis ku qornaa kuma xusnayn qodob micne weyn oo siyaasadeed leh, marka laga reebo "in labada hogaamiye ee Ethiopia iyo Eritrea ay u riyaaqeen xikmadda boqor salaam Binu Cabdulcasiis, boqorka Sacuudiga, ahna khaadunka labada masjid ee barakayan, iyo baritaarka mudane Sheekh Maxamed Bin Zayed iyo Amiir Maxamed Bin Salmaan Bin Cabdulxasiis, amiirka leh dhaxalka boqortooyada Sacuudiga, ku xigeenka guddoomiyaha golaha wasiirrada ahna wasiirka difaaca ee iyagu abaabulay horena u sii riixay heshiiska nabadeed, sababna u ahaa xiriirka wanaagsan ee ay faa'iidada ugu jirto dalalka jaarka ah iyo geeska Afrika".

Qaybtaas ayaa u muuqanaysa in duluc muhiim ah ay ku qarsoon tahay, taasoo ah inay u janjeeraan dhanka Sacuudiga iyo Iimaaraadka marka laga hadlayo khilaafka ka taagan Khaliijka, laakinse aan eegno dhowr qodob oo muhiim ah oo kulankan ku taxalluqa.

Maxay ku heshiiyeen Farmaajo iyo Dr Abiy?
Ra'isulwasaaraha Itoobiya Dr Abiy oo gaaray Muqdisho
Lahaanshaha sawirkaGETTY IMAGES
Image caption
"Itoobiya waxay u badan tahay inay isticmaali doonto dekedda casab"
Danta uu Iimaaraadka ka leeyahay Itoobiya iyo Eritrea

Si aan u nimaadno jawaabta su'aashan, aan dib u milicsanno galaangalka uu Iimaaraadku ku lahaa geeska Afrika.

Labada waddan ee Iimaaraadku uu joogitaanka iyo mashaariicda waaweyn ku lahaa waxay kala ahaayeen Soomaaliya iyo Jabuuti.

Soomaaliya

Xiriirka dawladaha Soomaaliya iyo Iimaaraadka ayaa soo xumanayey tan iyo markii ay kala boodeen dalalka Khaliijka - waa Sacuudiga iyo Iimaaraadka oo dhinac ah iyo dalal ay hogaamiyaan, iyo Qadar oo dhinaca kale ah.

Mowqif dhexdhexaad ah ayey ku dhawaaqday Soomaaliya inay ka qaadatay. Laakinse waxay xaaladdu faraha ka baxday markii dawladda Soomaaliya oo ka caraysnayd macaamilka Iimaaraadku la leeyahay Somaliland iyo maamul goboleedyada, misna garoonka dayaaradaha ee Aadan Cadde lagu qabtay malaayiin doollar oo caddaan ah oo shandado lagu waday.

Dawladda Soomaaliya waxay la wareegtay lacagtaas, Iimaaraadkuna waxay sheegeen in ay ahayd mushaarka ciidan ay iyagu tababareen oo qudhiisa cidda ay hoos yimaadaan uu muran ka taagnaa.

Iimaaraadku waxay ka guureen Muqdisho, waxayna baneeyeen dugsi tababar oo ay gacanta ku hayeen.

Waxaa isla wakhtiyadaas isku dhacay maamulka Puntland iyo tababareyaal ka socday Iimaaraadka oo iyaga qudhooda halkaa ka huleelay.

Arrin kale oo xusid mudan waxay ahayd saldhigga uu Iimaaraadku ka dhisanayey Berbera iyo heshiiska DP world ee dekedda Berbera, oo labadaba sii fogeeyey xiriirka Soomaaliya iyo Iimaaraadka.

Itoobiya heshiiskaas qayb ayey ka ahayd, waxaana sida la sheegay ay ku lahayd saami 19% ah.

Lahaanshaha sawirkaDP WORLD
Image caption
DP world oo heshiiska dekedda la saxiixatay maamulka Somaliland
Jabuuti

Jabuuti waxay horraantii sannadkan ku dhawaaqday in ay ka baxday heshiiskii kala dhaxeeyey DP World ee ay ku maamulaysay marsada kontaynarrada ee Dooraale.

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle oo BBC ay wax ka weydiisay arrintaas wuxuu sheegay in Jabuuti ay leedahay saamiyada ugu badan, ayna u arkeen shirkadda DP World in aysan ka shaqaynaynin danaha dekedaha Jabuuti, sidaasna ay ula wareegeen maamulka.

Laakinse wuxuu intaa ku daray "Waan u ogolnahay saamigoodiii, balse waa in la isku ixtiraamaa sida loo kala saami badan yahay".

Talaabooyin diblomaasiyadeed oo la doonayey in arrintaas lagu qaboojiyo ayaan suurto galin.

Bacdamaa mashaariicda Iimaaraadka ee labada dal ay halkaa ku istaageen, wixii markaa ka dambeeyey Iimaaraadku wuxuu eegeegayey wadiiqo kale oo uu ku soo galo geeska Afrika, mar haddii dalalkii Af-soomaaliga looga hadlayey uu lumiyey.

Waa halkaas halka ay u arkaan dadka arrimaha carabta iyo gobolka falanqeeya sababta uu aadka ugu danynayo inuu taageero buuxda la garab istaago Eritrea oo dekedo leh iyo Itoobiya oo aan dekedo lahayn laakin galaangal xooggan ku leh arrimaha Soomaaliya iyo gobolkaba.

Isu taggooda ayuu u arkaa cudud u beddeli karta tii Soomaaliya iyo Jabuuti.

"Siyaasadda geeska Afrika hadda ayey laba kaclaynaysaa, siyaasad muuqata ayey Itoobiya la soo bixi doontaa, baarqabka geeska Afrikana waxay khaliijku u aqoonsan doonaan Itoobiya, waana albaabka ay ka soo geli doonaan geeska Afrika" sidaa waxaa yiri Dr Xasan Al Basri oo falanqeeya arrimaha gobolka iyo kuwa carabta iyo islaamka, kana mid ah jaamacadda Axqaaf ee dalka Yemen.

Xasan Al Basri wuxuu kaloo qabaa in heshiiskan uu u saamaxayo Itoobiya in dekedda Casab oo muddo dheer ay ugu dambaysay ay isticmaasho, "laguna wiiqo dekedda Jabuuti oo mar hore ay Iimaaraadku ka soo ambabaxeen, ayadoo tii Soomaaliyana aysan xiriir fiican la lahayn".

Soomaaliya arrintaas jawaab taxaddar leh ayey ka bixisay. hadalkan waxaa bartiisa Twitter ku qoray guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya.

Image caption
Hadalkii uu Twitter ku qoray ra'iisul baarlamaanka Soomaaliya
Ra'isal wasaaraha Itoobiya oo booqanaya Eritrea

Itoobiya iyo Eritrea oo 'xalay dhalay' ka noqday colaaddii

Afewerki oo gaaray Addis Ababa

Kulanka madaxdan Saamayn ma ku yeelan karaa Soomaaliya?

Seddexda waddanba dano ayey ka leeyihiin Soomaaliya. Itoobiya waxay xuduud dheer la leedahay Soomaaliya. Taariikh dheer oo colaado iyo faragelin leh ayaana soo martay. Arrimaha siyaasadda iyo milateriga Soomaaliya waxaa la sheegaa inay galaangal weyn ku leedahay.

Eritrea waxay taageertaa dhinaca Itoobiya ka soo horjeeda ee siyaasadda Soomaaliya. In badan waxay hoy u ahayd dhinacyo ka hor jeeda kooxaha ay u aragto inay Itoobiya u janjeeraan ee siyaasadda Soomaaliya, waxaana lagu xantaa inay xataa gabaad siisay maxkamadihii islaamiga iyo Al Shabaab.

Si kale marka loo yiraahdo, waxay labada waddanba dagaalkooda u soo rareen Soomaaliya (proxy war) oo ay xulafo ku lahaayeen.

Kooxda ilaalinta cunaqabataynta hubka ee Qaramada Midoobay waxay dhowr jeer warbixin-sannadeedyadooda ku sheegeen in labada dalba ay jabiyeen cunaqabataynta hubka ee Soomaaliya, ayagoo hub soo galiyey dalka.

Halkaa waxaa ka muuqata inay leeyihiin dad saamayn leh, sida hogaamiyeyaal, siyaasiyiin iyo saraakiil ciidan.

Intaa waxaa dheer Itoobiya oo hadda olole xoog leh ugu jirta sidii ay u noqon lahayd awood gobolka hogaamisa, xag dhaqaale, xag milateri iyo xag bulsho (waa dalka ugu dadka badan gobolka).

Iimaaraadka wuxuu cayaari karaa laba arrimood middood ama labadaba.

- Inuu u adeegsado Itoobiya iyo Eritrea wixii dano ah ee uu ka leeyahay Soomaaliya.

- Inuu labada dal ka dhigto jaranjaro diblomaasiyadeed oo uu kula heshiiyo Soomaaliya. Qodobkan labaad ayaa keenaya caqabad kale oo ah loollanka kala dhaxeeya Qadar, oo saamayn weyn ku leh dawladda Soomaaliya, dhinaca kalena aad ugu dhow Turkiga oo ah saaxibka 1aad ee Soomaaliya.

Isagoo ka jawaabayey su'aal ku saabsanayd maadaama xiriirka Soomaaliya iyo Itoobiya uu leeyahay madmadow badan maxay tahay danta Iimaaraadku ugu jirto inuu Soomaaliya u soo maro Itoobiya, wuxuu yiri Xasan Al basri "waxaan is leeyahay Iimaaraadku wixii dano ah ee uu Soomaaliya ka leeyahay wuxuu u soo mari doonaa Itoobiya, waxaanan qiyaasayaa in sidaas la fahmi karo. Xataa heshiisyadii Muqdisho ku dhex maray madaxda Soomaaliya iyo Itoobiya waxaa laga dheehan karay inuu ahaa heshiis uu Iimaaraadka gadaal ka soo riixayey" ayuu yiri Al Basri.

Lahaanshaha sawirkaVILLA SOMALIA
Image caption
"Xataa heshiisyadii Muqdisho ku dhex maray waa laga dheehan karay in Iimaaraadka uu gadaal ka riixayo"
Soomaaliya waxay mowqif dhexdhexaad ah ka qaadatay khilaafka dalalka Khaliijka, xilli ay adkayd inay ku taagnaato mowqifkaas.

"Meesha ay Iimaaraadku ka hinaaseen waa siyaasadda Muqdisho oo u gacan haatinaysa Dooxa iyo Ankara. Waxaa marka fiican in la yara dejiyo ayadoo la eegayo wadciga iyo xaaladda iyo duruufta siyaasadda Soomaaliya oo maanta ugub ah meesha ay marayso. Waxaan u baahannahay degenaansho siayaasadeed, maanta in aan la kala safanno awoodo laba garab ah wax dan ah oo noogu jira ma jirto ayuu yiri Al Basri.

Iminka oo ay u muuqato inaysan Soomaaliya sinnaba uga fursan doonin mowjad diblomaasiyadeed iyo culays u baahan xisaabtan siyaasadeed oo ku soo fool lehna, waxaa muhiim ah in ay hesho aragti fog oo dhaafsiisan isqabqabsiga hadda taagan iyo istaraatijiyad tilmaamaysa halkii looga sii gudbi lahaa sida uu ku talinayo Xasan Al Basri "boholo badan ayey qodi karaan Iimaaraadka, waxaana roon inay dawladda Soomaaliya boholahaas ka foojignaato, oo xiriirka ay Dubai la leedahay ay degdeg u soo celiso, dhexdhexaadnimadii ay ku socotayna ay ku soo laabato".

Laakinse su'aasha isweydiinta mudan waxay tahay sidee dhexdhexaadnimadii loo soo celin karaa, haddiiba arrintaas ay ka caraysiinayso Qadar oo siyaasad ahaan ku daaban Turkiga oo saaxib dhow la ah Soomaaliya. Mar kale Xasan Al Basri.

"Dhibka halka uu nooga imaanayo waxa weeye, meeshii koox mucaarad ah ama maamul goboleed inta lacag la soo siiyo dawladda xiriirka loo jarayo, dhibka halkaa ka imaanaya in aan ka foojignaano ayaa muhiim ah. Qadar haddii xiriirka loo yara gaabiyo isma lihi wax saamayn ah oo muuqata ayaa ka imaanaysa".


BBC Somali
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip