Al Shabaab oo Saakay la wareegay deegaan Muhiim ah

0
Monday October 01, 2018 - 11:59:05 in Wararka by Warsheekh Muqdisho
  • Visits: 57
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Al Shabaab oo Saakay la wareegay deegaan Muhiim ah

    Wararka aan ka heleyno deegaanka Goofguduud Buureey oo qiyaastii 30-km Magaalada Baydhabo uga beegan dhinaca degmada Waajid ee Gobolka Baay ayaa waxa ay sheegayan in saakay halkaasi aroortii hore ay la wareegeen dagaalyahano ka tirsan Ururka Al-shaba

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka aan ka heleyno deegaanka Goofguduud Buureey oo qiyaastii 30-km Magaalada Baydhabo uga beegan dhinaca degmada Waajid ee Gobolka Baay ayaa waxa ay sheegayan in saakay halkaasi aroortii hore ay la wareegeen dagaalyahano ka tirsan Ururka Al-shabaab.

Waxaa la sheegay in dagaalamayaash Al-shabaab ay la wareegeen gacan ku heynta deegaanka Goofguduud Buureey dagaal la'aan,kadib markii halkaasi ay isaga baxeen Ciidamadii dowlada ee ku sugnaa deegaanka.

Dadka deegaanka Goofguduud Buureey ee Gobolka Baay ayaa waxa ay sheegeen inay arkeen saakay aroortii hore gaadiidka dagaalka Al-shabaab oo dhowr jiho deegaanka ka soo galaya,isla markaana rasaas xoogan ridaya.

Ilaa iyo hada ma jiro wax war ah oo kasoo baxay maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ay kaga hadlayan in Shabaab ay la wareegeen deegaanka Goofguduud Buureey oo qiyaastii 30-km Magaalada Baydhabo uga beegan dhinaca degmada Waajid ee Gobolka Baay.





Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip