Mareykanka oo duqeyn ku dilay xubno ka tirsan Al Shabaab

0
Tuesday October 02, 2018 - 13:50:42 in Wararka by Warsheekh Muqdisho
  • Visits: 148
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mareykanka oo duqeyn ku dilay xubno ka tirsan Al Shabaab

    War ka soo baxay Taliska ciidamada Militariga Mareykanka ee Afrika ee loo yaqaano Africom ayaa lagu sheegay in ay fuliyeen weerar cirka ah oo lala beegsaday dagaalyahano ka tirsan Ururka Al-shabaab,ka dib markii weerar ay ku qaadeen Ciidamadda Dowlad

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

War ka soo baxay Taliska ciidamada Militariga Mareykanka ee Afrika ee loo yaqaano Africom ayaa lagu sheegay in ay fuliyeen weerar cirka ah oo lala beegsaday dagaalyahano ka tirsan Ururka Al-shabaab,ka dib markii weerar ay ku qaadeen Ciidamadda Dowlada Federaalka.

Weerarkan xagga cirka ah ayaa laga fuliyay meel qayaas ahaan 40-KM Waqooyi Bari kaga beegan magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubadda Hoose, waxaana lagu dilay 9- dagaalame oo ka tirsan Al-shabaab.

Qoraalka ka soo baxay Ciidamada Mareynkanka ee Africom,ayaa lagu sheegay in duqeynta aanay wax khasaaro ah ka soo gaarin dad rayid ah,uuna ku kooban yahay Al-Shabaab.

Mareykanka ayaa sanadkaan waxa uu kordhiyey weerarada dhinaca cirka ah oo uu la beegsado saldhigyada Al-Shabaab ee koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya,iyada oo mararka qaar ay dad Shacab ah ku waxyeeloobaan.





Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip