Duqeyn Xoogan oo ka dhacday Gobolka Gedo

0
Thursday October 04, 2018 - 09:44:09 in Wararka by Warsheekh Muqdisho
  • Visits: 87
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Duqeyn Xoogan oo ka dhacday Gobolka Gedo

    Wararka aan ka heleyno Gobolka Gedo ayaa waxa ay ku waramayaan in xalay halkaasi ay duqeymo ka geysteen Diyaarado dagaal deegaano ka tirsan Gobolka Gedo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka aan ka heleyno Gobolka Gedo ayaa waxa ay ku waramayaan in xalay halkaasi ay duqeymo ka geysteen Diyaarado dagaal deegaano ka tirsan Gobolka Gedo.


Waxaa la sheegay in duqeynta xalay saqdii dhexe laga fuliyay deegaano ku dhow deegaanka Ceel-Cade oo horey weerar Khasaaro farabadan geystay loogu geystay Ciidamada Kenya,gaar ahaan tuulooyinka Qansax Oomane,Maka iyo deegaano kale.

Dadka deegaanka Ceel-cadde ayaa waxa ay sheegeen in xalay ay maqleen jugta duqeyntaas oo ku dhaceysay Saldhigyo Al-shabaab ay ku leeyihiin goobta ay ka dhacday duqeynta,isla markaana aysan garaneyn khasaaraha ka dhashay.

Sidoo kale waxaa la sheegay in diyaaradaha fuliyay duqeynta ay leedahay dowladda Kenya oo gudaha Soomaaliya ka joogaan ciidamo farabadan oo qeyb ka ah howlgalka nabad ilaalinta ee AMISOM.

Dowlada Kenya ayaa sanadkaan waxa ay kordhisay weerarada dhinaca cirka ah oo ay la  beegsaneyso saldhigyada Al-Shabaab ee koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya,iyada oo mararka qaar ay dad Shacab ah ku waxyeeloobaan.


Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip