Cabdikariin Sheekh Muuse Qalbi Dhagax oo ka mid ah Xubnaha Sar sare ee Ururka ONLF oo ku sugan Magaalada Gaalkacyo ayaa waxa uu ka sheegay Magaaladaasi in shacabka Soomaaliyeed iyo Baarlamaanka Federaalka dartiis u daayay dacwad uu ka gudbin lahaa shaqsiyaad uu sheegay in isaga ay ku xadgudbeen.
Waxa uu tilmaamay Qalbi-dhagax inuu haysto awood badan oo shacabka Soomaaliyeed ah sidoo kalena haystay fursado uu madaxda dalka ugu dacweeyo Maxkamado caalami ah.
Shacabka Soomaaliyeed ayuu sheegay iney u muujiyeen dareen dhab ah oo ku aadan iney la xanuunsanayan dhibaatada soo gaartay, sidoo kalena labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ka horyimaadeen wixii lagu sameeyey.
Qalbi Dhagax aya sidoo kale sheegay in dowladda Federaalka dhibaatooyinka haysta ay ka mid tahay in aysan raaligelin ka bixin qaladaadka ka dhaca.
Cabdikariin Sheekh Muuse Qalbi Dhagax oo ka mid ah Xubnaha Sar sare ee Ururka ONLF ayaa maalmihii la soo dhaafay waxa uu socdaan ku marayay Magaalooyinka Hargeysa,Boosaaso, Garoowe iyo Gaalkacyo.
Qalbi Dhagax oo hadal xasaasi ah ka sheegay Gaalkacyo
Cabdikariin Sheekh Muuse Qalbi Dhagax oo ka mid ah Xubnaha Sar sare ee Ururka ONLF oo ku sugan Magaalada Gaalkacyo ayaa waxa uu ka sheegay Magaaladaasi in shacabka Soomaaliyeed iyo Baarlamaanka Federaalka dartiis u daayay dacwad uu ka gudbin lahaa sh