DEG DEG:-Kulanka Xildhibaanada Golaha Shacabka oo furmay

0
Monday October 08, 2018 - 11:39:37 in Wararka by Warsheekh Muqdisho
  • Visits: 161
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    DEG DEG:-Kulanka Xildhibaanada Golaha Shacabka oo furmay

    Waxaa hada Xarunta Golaha Shacabka ka furmay kulanka 12-aad kalfadhiga 4-aad ee Golaha shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa hada Xarunta Golaha Shacabka ka furmay kulanka 12-aad kalfadhiga 4-aad ee Golaha shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Kulankan ayaa waxa uu ku furmay 152 xildhibaan, waxaana Shir Guddoominaya Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mudane Mahad Cabdalla Cawad.

Sidoo kale kulanka waxaa goobjoog ah inta badan Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya.

Ajendaha kulanka ayaa ah aqrinta koowaad ee hindise sharciyeedka wax ka badalka sharciga hanti dhawrka guud ee lambarkiisu yahay 34 ee soo baxay 14/04/1972.

Wasiiru dowlaha Wasaarada Maaliyada Soomaaliya Mudane Maxamuud Xayir Ibraahim ayaa xildhibaanada golaha shacabka u aqrinaya hindise sharciyeedka wax ka badalka sharciga hanti dhawrka guud ee lambarkiisu yahay 34 ee soo baxay 14/04/1972.

Kulanka waxaa goobjoog ka ah xubno ka socda wasaarada maaliyada sida wasiir ku xigeenka wasaarada maaliyada Mudane C/llaahi Sheekh Cali (Qaloocoow), Xisaabiyaha guud, Agaasimaha guud ee wasaarada maaliyada iyo xubno kale.





Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip