Howlgal culus oo saakay laga sameeyay Magaalada Boosaaso

0
Monday October 29, 2018 - 09:09:25 in Wararka by Warsheekh Muqdisho
  • Visits: 487
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Howlgal culus oo saakay laga sameeyay Magaalada Boosaaso

    Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa saakay Ciidamada Ammaanka Maamulka Puntland waxa ay ka sameeyeen howlgalo amniga lagu xaqiijinayo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa saakay Ciidamada Ammaanka Maamulka Puntland waxa ay ka sameeyeen howlgalo amniga lagu xaqiijinayo.

Ciidamada Ammaanka Puntland ayaa howlgalka si gaar ah uga sameeyay qaar kamid ah xaafado ku yaalla Boosaaso,iyagoona soo qabtay dad ay ku sheegeen inay wadeen falal Amni daro.

Sidoo kale intii uu socday howlgalka Ciidamada ayaa waxa ay ku baarayeen gaadiidka iyo dadka saaran ee isticmaalla Wadooyinka waaweyn ee Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari.

Ciidamada ammaanka ayaa kordhiyay howlgalada ay ka sameynayaan Deegaanada maamulka Puntland gaar ahaan Magaalada Boosaaso oo marar badan ay ka dhaceen dilal qorsheysan,isla markaana loo geystay Askar iyo dad Shacab ah,waxaana inta badan sheegta Mas'uuliyadooda Al-Shabaab iyo Daacish.

Saraakiisha waxa ay sheegeen in howlgalada ay hoos u dhigeen falalka amni Darro ee ka dhaca Magaalada, sidaa darteedna ay sii wadi doonaan.

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip