Ciidamada DFS oo qaarijiyay Sarkaal Ajnabi ah oo ka tirsanaa Al-shabaab

0
Wednesday October 31, 2018 - 14:00:50 in Wararka by Warsheekh Muqdisho
  • Visits: 427
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada DFS oo qaarijiyay Sarkaal Ajnabi ah oo ka tirsanaa Al-shabaab

    Ciidammada Xoogga Dalka ayaa guulo waa weyn ka gaaray Howlgalo baaxad leh oo ay ka sameeyeen deegaano ka mid ah Gobalada Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidammada Xoogga Dalka ayaa guulo waa weyn ka gaaray Howlgalo baaxad leh oo ay ka sameeyeen deegaano ka mid ah Gobalada Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe.

Abaanduulaha Qeybta 27-aad ee ka howlgasha Gobalada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe Sareeye guuto Saalax Muumin Muuse oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in Howlgalada ay Ciidammada Xoogga Dalka ku dileen Sarkaal sare oo qeyb qaatay Qaraxii Soobe iyo mid Dhalashadiisu tahay Pakistan oo ka mid ah Qolada Miinada dhigta.

"Khasaaro badan ayaa soo gaaray Al-shabaab Guulaha hada la taaban karo waxaa ka mid ah Ninkii Miinooyinka sameyn jiray oo Qaraxyada waliba ragii ugu cuslaa oo Qaraxii Soobe ka qeyb qaatay ayaan halkaasi ku dilnay, Nin kale oo Ajnabi ah oo dhalashadiisu tahay Pakistan ayaan dilnay oo isna Qoloda Miinada dhigta ah iyo Macalin habka Miinada loo dhigo ku tababara Al-shabaab iyo rag badan oo Qoladii Miinda dhigeysay iyo kuwo kale ayaan halkaas ku dilnay”.

Abaanduulaha Qeybta 27-aad ayaa sheegay in deegaano badan ay Al-shabaab kala wareegeen sida Nuur Qarac, Garasaani, Deegaano u dhaxeeya Buulo Barde iyo Beledweyne, Halka Howlgalada Labaad oo ka dhacay inta u dhaxeysa Buulo Barde iyo Fiidow ay ciidammada Xoogga kula wareegeen Buurweyn, Beynaad, Show, Gibileey, Ceelcaad, Xarar lugoole iyo deegaano kale.

Sareeye guuto Saalax Muumin Muuse ayaa si weyn u amaanay Shacabka Soomaaliyeed ee ku sugnaa Deegaanadii ay gacanta ku dhigeen, isagoo xusay in deegaanada qaar ay Ciidammada Xoogga Dalka ilmeeyeen ka dib markii ay arkeen sida Shacabka u jecel yihiin oo ay usoo dhaweeyeen, isagoo sheegay inay si geesinimo leh u muujiyeen doonista ah inay ka xuroobaan Al-shabaab, wuxuuna sheegay in Shacabka ay Ciidammada la wadaageen Xogo ku saabsan Dagaalamayaasha ku dhuumaaleysanaya deegaanada qaar.
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip