Golaha Shacabka oo Baaq deg deg ah ka soo saaray colaada G/Galgaduud

0
Monday November 12, 2018 - 16:20:37 in Wararka by Warsheekh Muqdisho
  • Visits: 502
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Golaha Shacabka oo Baaq deg deg ah ka soo saaray colaada G/Galgaduud

    Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta baaq nabadeed ka soo saaray colaada ka taagan gobolka Galgaduud gaar ahaan degmada Balanbale.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta baaq nabadeed ka soo saaray colaada ka taagan gobolka Galgaduud gaar ahaan degmada Balanbale.

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka mudane Mahad Cabdalla Cawad oo ku hadlaayay magaca Golaha Shacabka ayaa sheegay in ay ka xun yihiin colaada ka soo cusboonaatay gobolka Galgaduud.

" Waxaan magaca golaha shacabka baaq ugu soo jeedinayaa shacabka ku dhaqanka gobolka Galgaduud gaar ahaan degmada Balanbale oo ay colaad ka soo cusboonaatay oo dhex martay beelo walaalo ah, waxaan beelahaas usoo jeedineynaa in si deg deg ah nabadda ku qaataan oo ay heshiiyaan”. ayuu yiri guddoomiye Mahad.

Guddoomiye Mahad ayaa xukuumadda Soomaaliya ka codsaday iney xoogga saarto joojinta colaadaas iyo in beelaha walaalaha la heshiisiiyo.

" Waxaan usoo jeedineynaa xukuumadda iyo maamulada kale ee degaankaas ka jira in beelaha dirirtu ka dhaxeyso gurmad deg deg ah loo diro, colaadana la joojiyo”. ayuu mar kale yiri guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka mudane Mahad Cabdalla Cawad.
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip