Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa ansixiyay ku noqoshada miisaaniyadda 2018

0
Wednesday November 14, 2018 - 12:45:11 in Wararka by Warsheekh Muqdisho
  • Visits: 378
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa ansixiyay ku noqoshada miisaaniyadda 2018

    Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta cod aqlabiyad leh ku ansixiyay ku noqoshada miisaaniyadda dowladda 2018.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta cod aqlabiyad leh ku ansixiyay ku noqoshada miisaaniyadda dowladda 2018.

Ku noqoshada miisaaniyadda 2018 waxaa si wadajir ah usoo diyaariyay wasaaradda maaliyadda ee xukuumadda Soomaaliya iyo guddiga maaliyadda iyo miisaaniyadda ee Golaha Shacabka.

153 xildhibaan ayaa ogolaaday, 2 xildhibaan ayaa diiday, waxaana ka aamusay 3 xildhibaan.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda ee Xukuumada Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Bayle oo kulanka ka hadlay ayaa golaha shacabka ugu mahad celiyay sida wanaagsan oo ay u ansixiyeen.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in uu diyaar u yahay inuu golaha shacabka la wadaago arrimaha ku saabsan maaliyadda dalka.

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip