Sweden oo cudurka corona dartii u joojisey safarrada Iiraan

0
Friday February 28, 2020 - 23:21:38 in Wararka by Central Office. Office
  • Visits: 121
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sweden oo cudurka corona dartii u joojisey safarrada Iiraan

    Wasaarad Dibadeedka Sweden ee UD ayaa go'aamisay in wixii haatan ka dambeeya la joojiyey wixii safar ah oo aan daruuri ahayn oo ku wajahan am aka imanaya dalka Iiraan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasaarad Dibadeedka Sweden ee UD ayaa go'aamisay in wixii haatan ka dambeeya la joojiyey wixii safar ah oo aan daruuri ahayn oo ku wajahan am aka imanaya dalka Iiraan.
 



Sababtu waa dillaaca cudurka laayaanka ah ee coronavirus oo dalkaa ku dhuftay.

Dhowr dal oo Iiraan la deris ah ayaa mar hore xirey xuduudaha ay dalkaa la wadaagaan, iyadoo ay iminka aad u xadidan tahay in la galo ama laga baxo dalka Iiraan, sida ay Wasaaraddu ku sheegtay War Saxaafadeedkeeda.

Sidoo kale, awoodda qunsuliyadeed ee ay Safaaradda Sweden ku kaalmayn karto muwaadiniinteeda halkaa ku sugan ayaa haatan kooban, xaaladda caafimaad ee uu dalkaasi haatan ku sugan yahay dartii.

Dhanka kale Hannaanka caafimaad ee dalka Iiraan ayaa waxaa haatan dul hoganaysa canaab ama culays qaadkiisa ka baxsan, wuxuuna weliba u muuqdaa mid ay xaaladdu kusoo adkaan doonto, maadaama kiisaska cudurka corona ee cusubi ay sii kordhayaan, sida ay sheegtay Waaxda Arrimaha Dibedda Sweden ee UD.

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip