Reer Muqdisho ceebtoodu ma asturna!!!

22/04/2017 - 01:10:53
Weriye ay madaxmartay xirfaddiisa warbaahineed ayaad maanta oo dhan hadalheysaan, waxaad leeyihiin Muqdisho ayuu magac xun u soo jiidayaa, sow Muqdisho ma ahayn shalay iyo waayahanba Meeshii dadka lagu dilayay? Sow ma ahan magaaladii dadqalatada iyo walbahaarka?

Ma waxaa jira qof dhihi kara Muqdisho Nabad iyo xasillooni ayaa ka jirta? Waddaniga qiireysanoow waxaa ku hortaala; Muqdisho ma tahay magaalo amnigeedu sugan yahay...!!!

Jawaabtu haddii ay Haa tahay, weriyihu sawir qaldan ayuu bixiyay markaas, haddii se ay Maya tahay, fadlan Reer Muqdisho joojiya fudeydka iyo ku xadgudubka weriyaha.

Reer Muqdisho ceebtiinu ma asturna ee magaalada amaankeeda suga ama iska aamusa.
Xasan Cali Dhaaley
   
mobile desktop