Maamulka Jubbaland oo heshiis dhex dhigay labo beelood + Sawirro

08/10/2018 - 14:32:33
Maamulka Jubbaland ayaa maanta ku guuleysatay inay dib u heshiisiin u sameysayo beelo walaalo ah oo ku dagaalamay Duleedka Magaalada Kismaayo.

Maalmahan waxaa socday Shirar gaar gaar ah oo lagu dhammeynayo arrintaas iyo isku soo dhaweynta labada Beel ee Walalaha ah.

Shirkaan lagu heshiisiinayay Beelaha walaalaha ah ayaa waxaa laga soo saarey go,aanno la xariira in dib aysan u soo noqon dirirtu dhexmartay iyo in laga fogaado wax walba oo kala fogeyn kara bulshada.

Goobta uu heshiisku ka dhacay ayaa waxaa ku sugnaa wasiirka Arrimaha gudaha Jubbaland Maxamed Warsame Darwiish,Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Diinta Jubbaland Maxamed Sheikh Abuukar Yuusuf iyo Wasiirka Ganacsiga Jubbaland Cabdi Nuur Cali Aadan.

Labada Beel ee dirirtu dhexmartay ayaa goobta ka shegay inay ku dadaali donaan sidii ay u sii wadi lahaayen ka shaqeynta Nabada.





 
 
mobile desktop