Sawirro:-Madaxweyne Xaaf oo la kulmay Guddoomiyaha cusub ee Baarlamaanka Galmudug

10/10/2018 - 17:15:00
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Duaale Geelle Xaaf ayaa hambalyo u diray Guddoomiyaha la doortay ee Golaha Baarlamaanka Ismaaciil Cabdulle Axmed.

Madaxweynaha ayaa ku ammaanay Guddoonkii KMG ahaa ee Golaha Barlamaanka, Guddigii Doorashada iyo Xildhibaannada Baarlamaanka Galmudug sida ay u guteen waajibkooda dastuuriga ah.

"Hamabalyo ayaan leeyahay Guddoomiyaha cusub ee la doortay, Ismaciil Cabdulle waxaana kuu rajeynayaa inaad noqoto ninkii Cadaaladda, muwaafaqada iyo Dajinta siyaasadda Galmudug ka shaqeyn lahaa ” ayuu yiri Madaxwenye Xaaf.


 
 
mobile desktop