Faahfaahin & Sawirro:-Qarax gaari lagu xiray oo ka dhacay Muqdisho

10/10/2018 - 20:01:20
Faah-faahin dheeraad ah ayaa waxa ay kasoo baxeysaa Qaraxa gaari oo gelinkii dambe ee maanta ka dhacay Ex Kontorool Afgooye ee Magaalada Muqdisho,kaasi oo geystay Khasaaro.

Dad goobjoogayaal ah ayaa waxa ay sheegeen in qaraxa lagu soo xiray gaari nooca raaxada ah,isla markaana uu lahaa gaariga Cabdullaahi Daahir oo ka mid ah Shaqaallaha Gobolka Banaadir uuna ka badbadaay Qaraxaasi.

Sidoo kale waxaa la sheegay sheegay in qaraxan ka dhacay Ex Kontorool Afgooye ee Magaalada Muqdisho uu dhaawac kasoo gaaray hal ruux oo goobta qaraxa uu ka dhacay ka adhawaa.

Ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa gaaray halka uu qaraxan ka dhacay,iyagoona ka wada baaritaanno, mana jirto faah faahin intaan ka badan oo qaraxan laga helay.



 
 
mobile desktop